Itoobiya Oo Dhexdhexaadinaysa Imaaraadka Carabta Iyo Soomaaliya

0
3880

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay dhexdhexaadinayso wadamada Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, oo uu khilaaf diblomaasiyadeed kala fogeeyay.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed uu toddobaadkii hore markii uu Muqdisho tagay uu gaadhsiiyay farriin ah inuu dhexdhexaadiyo UAE, taas oo ay Soomaaliya aqbashay. Warku wuxuu sheegay in la filayo inuu dalka Imaaraadka Carabta dhawaan socdaal ku tago raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayid ayaa dhawaan booqday Addis Ababa, isagoo Itoobiya Imaaraadka Carabtu baankooda Addis Ababa ugu shubay lacag dhan 3 bilyan oo dollar oo isugu jira dayn iyo caawimo. Sidoo kale raysalwasaaraha Itoobiya ayaa isna hore u booqday Imaaraadka Carabta. Waxa kale oo uu Dr. Abiy booqday magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli ka hadal wakhtiga uu raysalwasaare Khayre tagi doono Imaaraadka Carabta, waxase uu shalay ku laabtay Muqdisho isagoo ka soo noqday socdaal uu ku tagay wadanka Norway.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here