Itoobiya Oo Baahisay Socdaalka Uu Wasiir Sacad Cali Shire Ku Joogo Dalka Maraykanka

0
583

Addis Ababa(Geeska)-Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa baahisay war ku saabsan xafiiska diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo xadhiga laga jaray toddobaadkii dhammaaday, kaas oo uu furay wasiirka khaarajiga Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Warkan oo lagu baahiyay dagalka ay Inernetka ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, waxay sheegtay in xafiiska Somaliland ee Washington uu noqon doono xafiis xidhiidhiya jaaliyadda Somaliland iyo danaha Maraykanka iyo Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay sheegtay in Wasiir Sacad Cali Shire  uu sidoo kale intii uu ku gudo jiray socdaalkiisa Maraykanka uu kulamo xog is waraysi ah la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka iyo haya’daha Qaramada Midoobay, kuwaas oo uu uga waramay horumarka Somaliland ka samaysay degenaanshaha, nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda.

Wasiir Sacad ayay sidoo kale warbixintu sheegtay inuu booqday magaalada Newyork oo uu kula kulmay maalgashadayaal iyo xubno ka tirsan Qaramada Midoobay.

Warbixintan lagu baahiyay bogga Inetnetka ee wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa muujinaya heerka uu marayo xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Itoobiya.