Iswanaajinta Iyo Qurxinta Anshaxaagu Ma’aha Sababta Koowaad Ee Aad Shaqada Ku Dallaci Karto

32
3722

London (Geeska)- Haddii aad doonayso in aad shaqadaada mansab sare ka gaadho, maskaxdaada geli in aanay sababtu ahayn wanaagga shakhsiyaddaada iyo anshax fiicnaanta, balse ay tahay garaadka iyo fariidnimada kugu jirta, sidaa waxaa ka marag kacday cilmibaadhis cusubi.

Daraasaddan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka kala socday jaamacadaha Bristol, Minnesota iyo Heidelberg ayaa caddeeyey in fariidnimadu ay tahay sababta aasaaska u ah guusha, balse aanay ahayn tilmaamaha iyo dabeecadaha kale ee uu qofka shaqaalaha ahi leeyahay sida furfurnaanta, kalsoonida iyo anshaxwanaagga. Tijaabadii ay cilmibaadhayaashu sameeyeen waxa ay muujiyeen in sideedaba dadka fariidadada ahi ay yihiin kuwo si muuqata ugu fiican la shaqaynta iyo iskaashiga ay la yeelanayaan dadka la jaalka ah, halka dadka habdhaqankooda iyo dabeecadahoodu fiican yihiin ay noqdeen kuwo ay xaddidan tahay galaangalkooda bulshada ku xeeran.Talefishanka Sky News oo baahiyey daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay ayaa ka soo xigtay, Eugenio Proto oo ah bare-sare oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Bristol in cilmibaadhistani ay caddaysay in fariidnimada ay tahay shardi sees u ah guusha uu qofku ka gaadhayo shaqada uu qabanayo, laakiin arrimaha ay ka mid yihiin qalbiwanaagga, calool xaadhnaanta iyo anshax suubani ay yihiin uun arrimo qofka caawinaya laakiin aan isbeddel weyn oo kale keenayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here