Isu-duwaha Cusub Ee Wasaarada Ciyaaraha Ee Gobollka Saaxil Oo Xilkii La Wareegay

52
1106

Berbera (Geeska) –  Waxaa Maalintii Shalay Hoolka Centerka magaalada Ber-bera xaflad balaadhan loogu sameeyay Isu-duwihii hore ee Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Gobollka Saaxil Shaacifi Jaamac Aadan iyo Isu-duwaha cusub Mustafe Maxamed Cilmi (Shanta Gobollka) oo toddobaadkii hore Wasiirka Wasaarada Ciyaaruhu uu u magacaabay xilkan.

Xafladan ay xilka kula kala wareegayeen labadan Masuul ayaa waxaa ka soo qayb galay Badhasaabka Gobollka Saaxil Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheere), Isu-duwayaasha Wasaaradaha Dalka ee Gobollka Saaxil, Masuuliyiin iyo Dhalinyarta ciyaaraha ee Gobollka Saaxil.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Isu-duwihii hore Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobollka Saaxil Shaafici Jaamaca Aadan waxaana uu xusay inuu ku faraxsan yahay inuu xilkan ku wareejiyo mid ka mid ah ciyaartoydii Gobollka soo maray, waxaana uu ku dheeraaday wax qabadkii uu la yimid intuu uu xilka hayay. Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay Isu-duwaha Cusub waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan u mahadnaqaya Wasiirka iyo Agaasimaha Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland oo ii gartay inay xilkan ii magacaaban, waxaan sidoo kale aan balanqaadayaa in ciyaaraha Gobollku ay ka horu-maraan sida ay maanta yihiin, waxaan soo dhawaynayaa cid kasta oo igala hawl gali doonta horumarka ciyaaraha ee Gobollka, waxaan sidoo kale uga mahadnaqaya saaxiibkay Shaaficii dedaalkii iyo shaqadii uu Gobollka ka qabtay, sidoo kale waxaan isna aan jeclahay inaan halkan uga mahad-celiyo Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin oo aan runtii aaminsanahay inuu yahay Masuul u heelan inuu wax baddan u qabto dhalinyarta” ayuu ku soo koobay hadalkiisi Isu-duwaha cusub. Ugu dambayntii waxaa isaguna halkaasi ka hadlay oo xilkana u kala wareejiyay Masuuliyiintan Badhasaabka Gobollka Saaxil Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheere)..

 

Comments are closed.