Isticmaalka Badan Ee Talefanka Gacanta Ee Casriga Ahi Waxa Uu Yareeyaa Waxsoosaarka Shaqo Ee Shaqaalaha

Published on Oct 05 2017 // Googooska Geeska

Berlin (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo ay diyaarisay jaamacadda Ulm ee dalka Jarmalka ayaa daahfurtay in isticmaalka badan ee talefanka gacantu uu khatar ku yahay shaqada qofka. Kiristiyan Moontaag oo ah bare-sare oo cilminafsiga ka dhgia jaamacaddan, cilmibaadhistanna kormeerayey ayaa sheegay in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya hoos-u-dhaca waxsoosaarka shaqo ee qofka iyo balwad ka dhigashada isticmaalka talefanka.

Cilmibaadhistan oo tijaabadeeda lagu sameeyey 262 shaqaale ah oo isticmaala talefanka gacanta ee casriga ah waxaa samaynteeda Moontaag kala qaybqaatay Elish Diyook oo ah kaaliye bare-sare oo wax ka dhiga qaybta cilminafsiga ee kuliyadda Gold Smith ee jaamacadda London, waxa aana natiijada lagu faafiyey joornaal xaruntiisu tahay magaalada Amsterdaam ee dalka Holland oo lagu magacaabo ‘Addictive Behaviors Report’

Bare-sare Moontaag waxa uu sheegay in sababta isticmaalka badan ee talefanka casriga ah ee gacantu uu hoos u dhaca ugu keeno shaqada iyo waxsoosaarka qofku ay tahay qofka oo inta badan shaqada inta uu wado marar badan dhex geliya isticmaalka talefankan oo dhinaca internet ka ah sida barkulannada bulshada iyo ka jawaabidda farriimaha ku soo dhaca. Waxa uu si gaar ah hoosta uga xarriiqay in ogeysiisyada farriimaha iyo xidhiidhada kala duwan ee baraha bulshada oo inta badan ku soo dhaca talefanka gacanta ee casriga ahi ay tahay sabab qofka marar kala duwan shaqada uu hayo ka jeedinaysa, isaga oo arrintan ka hadalkeeda sii wadana waxa uu sheegay, “Qofka talefankan isticmaalayaa waa uu ku qasban yahay in hadba ku jeesto dawanka farriimaha ku soo dhacaya iyo ogeysiimaha farriimaha cusub”

Daraasaddu waxa ay sheegta in qofka uu isticmaalka talefanka casriga ahi balwadda u noqdo ay ku dhacdo in maskaxdiisu mar kasta ku xidhnaato dhegeysiga dawanka ogeysiiska farrimaha cusub, marka uu eegana uu haatan hore ugu sii socdo oo waqti ka badan intii farriinta uun uu eegi lahaa uu ku sii maqnaado, sidaa awgeedna ay maskaxdu ka jeesato shaqadii lagana yaabo in waqtiga ka lumay ka sokow ay ku soo noqoshada dambe ee shaqadu keento in uu hore halkii hroe uga sii ambaqaadi kari waayo. Waxa aan la ogyahay in cabashada ugu badan ee loo shaqeeyuhu uu ka sheegto shaqaaluhu ay tahay waxsoosaarka shaqada oo yar.

Daraasaddu waxa ay tilmaamay in talefanka oo qofku aamusiiyaa aanay waxba katarin dhibaatadiisa xilliga shaqada, “Maadaama oo uu talefankii yaallo meel aad ka arki karto, waxaa hubaal ah in maskaxda oo uu degey isticmaalkiisu ay mar kasta ku fikirayso” ayaa uu yidhi Moontaag. Isaga oo xalka ugu habboon ka hadlayana waxa uu yidhi, “Tallaabada ugu faa’idada badan waa in talefanka gacanta la iska dhigaa meel ka fog aragga qofka” Isaga oo ku taliyey in xitaa haddii ay ka fursan weydo ay fiican tahay in si aanu u arag uu qofku talefanka ku rido shandaddiisa shaqada ama khaanad ku soo hanjabay. Haddii kale ay fiican tahayba in qofku uu talefankaba ka tago gurigiisa, si aanu shaqada ugu sii qaadan, in kasta oo uu tilmaamay in ay arrintani qofka ku adag tahay. Ugu dambayntii Moontaag waxa uu yidhi, “Haddii talefanka gacanta aad u isticmaasho si caqli ku dhisan, waxa kordhi doona waxsoosaarkaaga”

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!