Israa’iil Waxa Ay Basaastaa Taleefannada 45 Dal, Oo Ay Ku Jiraan Maraykanka, Dalal Kale Oo Ay Saaxiib Yihiin

50
4951

Cilmibaadhayaal Kanadiyaan ah ayaa ka digay in barnaamij basaasid ah oo ay Israa’iil u adeegsato dhegeysita iyo dabagalka taleefannada ay isticmaalaan dadka jooga tobannaan dal. Arrintan oo muran xooggan iyo doodo cusub abuurtay, waxaa xiise gaar ah yeeshay in dalalkaas ay Israa’iil dadkooda basaasto uu ku jiro dalka Maraykanka oo ah saaxiibka koowaad ee Israa’iil dunida ku leedahay.

Wargeyska Washington Times ayaa warbixin uu dhowaan baahiyey ku sheegay in cilmibaadhayaal ka tirsan Xarunta baadhista ee Citizen Lab, oo hoos tagta jaamacadda Toronto ee dalka Kanada, waxa ay ogaadeen in barnaamijka dabagalka, dhexgalka, dhegeysiga iyo akhrinta farriimaha taleefannka ee ay Israa’iil isticmaasho lagu basaaso taleefannada 45 dal oo ay ku jiraan Maraykanak, Kanada, Ingiriiska iyo daraasiin kale.

Barnaamijkan ‘Software’ ka ah oo awood u leh in uu dhexgalo xogta gaarka ah ee ku jirta taleefanka gacanta, si fududna u heli kara fureyaasha sirta ah ee taleefanka ku kaydsan, farriimaha qoraalka ah, xogta ku kaydsan qaybta kaydka ee taleefanka iyo xitaa codad dadka ku wada hadlaay taleefanka, ayaa ah barnaamij sirdoon oo ay soo saarto shirkadda NSO oo ay leedahay Israa’iil.

War ay faafisay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa intaas ku daraya in Barnaamijkan basaaska ah ay Israa’iil si gaar ah ugu beegsatay warfidiyeenno jooga dalka Mexico, iyo nin aan magaciisa lagu sheegin warbixinta oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha. Kaas oo jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Warbixintu waxa ay sheegtay in cilmibaadhayaashu ay ogaadeen in labadii sano ee u dambeeyey la basaasay 1091 IP (Internet protocol) iyo 1014 domain oo shabakadda internet ka ah.

Barnaamijkan basaasidda ayaa sida oo kale laga iibiyaa dawlado gaar ah, iyada oo shirkadda soo saarta ee NSO ay caddaysay in ay ka iibiso dalalka kale, laakiin uu ku xidhan yahay shardi ah in marka hore ay xukuumadda Israa’iil ogolaato in dalalkaas laga iibiyo barnaamijka.

Shirkaddu waxa ay ku andacootay in barnaamijkan loo isticmaalo dabagalka argagaxisada iyo dembifaleyaasha, looguna talagalay in laga hortago dembigu inta aanu dhicin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here