“Ismaan Casilin, Ismana Casilayo, Madaxweynuhu Isagaa I Magacaabay, Isagaana Xaq U Leh Inuu Magacaabo Cidda Uu Doono”

0
547

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire,  ayaa meesha ka saaray inuu iska casilayo xilka uu qaranka u hayo, waxaanu meesha ka saaray wararkan muddooyinkan dambe la isla dhex marayay, iyadoo loogu sibir saarayo is casilaadda inaanu raali ka ahayn qaabka loo waddo heshiiska Imaaraadka Carabta lagu siinayo saldhig Milatari.

Wasiir Sacad, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Geeska Afrika, waxa uu sheegay inaanu marna iska casilayn xilka. Waraysiga oo ah mid kooban, wuxuu u dhacay sidan:

Wasiir waxa muddooyinkii ugu dambeeyey la hadal hayey inaad is casilayso, wasaarada khaarajiguna way beenisay. Maxaa ka jira?

Arinkaas wax alaale wax ka jiraa ma jiraan, ismaan casilin, ismana casilayo Madaxweynuhu isaga I magacaabay, isagaana xaq u leh inuu cidda uu doono magacaabo, laakiin is casilaada la sheegayaa maaha wax xagayga ka yimid, kana imanaaya isha allaah.

Shirkii Labada Gole waad ka maqnayd, maqnaashaaguna shaki badan buu abuuray,markaas maxaa keenay inaad ka maqnaato?

Anigu Madaxweynaha ayaan matalaa, halka uu Madaxweynuhu joogo la igama baahna.

Saldhiga Milatariga ee Somaliland Imaraadka la siinayo dalka, waxa la leeyahay Itoobiya shakiga badan bay ku abuurtay, ee maxaad ka jira?

Anigu runtii arinkaas ma hayo, Shakiga Itoobiya ma hayo,

Maxaad Bulshada Somaliland ugu baaqaysa?

Waxaan ILLAAHAY ka baryayaa inuu abaarta inaga jabiyo, oo raxmadiisa uu inoogu deeqo, dadka waxaan ugu baaqayaa inay nabadgalyada ilaaliyaan, midnimada ilaaliyaan, ILLAAHAYNa ka cabsadaan.