Ismaaciil Buubaa Oo Tallooyin Diblomaasiyadeed Oo Somaliland Iyo Somaliya Khuseeya Hawada U Mariyay Safiirka Cusub Ee Dalka Maraykanka

0
454

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa tallo diblomaasiyadeed hawada u mariyay safiirka cusub ee uu Maraykanku dhawaan u magacaabay Somaliland iyo Somaliya danjire Stephen Schwartz.

1

Md. Buubaa, wuxuu safiirka cusub kula taliyay inuu aad u fahmo xaqaa’iqa ka jira gobalka Geeska Afrika islamarkaana uu ogaado in Somaliland iyo Somaliya ay isku hayaan qaabka uu noqonayo jiritaankooda dabiiciga ahi, Buubaa, wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay “Danjiraha cusub ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya waa in uu ogaado in Somaliland iyo Soomaaliya ay isku hayaan sida uu noqonayo jiritaankoodii dabiiciga ah ee siyaasaddu.” ayuu yidhi.

Ismaaciil Buubaa, wuxuu safiirka Maraykanka ah ku wargeliyay in xal siyaasadeed iyo amni oo Somaliya gaadhaa uu ku xidhanyahay iyadoo xal loo helo khilaafka ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, “Waxaa sidoo kale lagula talinayaa in uu ogaado in xal siyaasadeed iyo ammaan oo Soomaaliya loo helaa uu ku xidhan yahay in la xalliyo khilaafka Soomaaliya iyo Somaliland.” ayuu yidhi Dr. Buubaa.

Isagoo la sii hadlaya safiirkan, wuxuu u soo jeediyay in Maraykanku diblomaasiyad xikamadaysan ku dhiirigeliyo wada xaajood Somalidu leedahay, “Mar saddexaadda, waxaa talo habboon ah in la helo xoog

diblumaasiyadeed xikmadaysan oo Maraykanku ku dhiirrigeliyo wada xaajood Soomaalidu leedahay oo iyaga ka yimid, kana dhaca gudaha Somaliland iyo Soomaaliya.” sidaas ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa.

Dr. Buubaa oo xilal badan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyay ee Somaliya, ayaa wuxuu isagoo Hargeysa jooga muddooyinkan dambe u doodaa in Somaliland iyo Somaliya noqdaan laba wadan oo walaalo ah.