Ismaaciil Buubaa Oo Siyaasiyan Arrin Taban Ku Tilmaamay In Somaliland Ka Qayb Gasho Tartanka Kubadda Cagta Ee Abkhazia

0
559

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa siyaasiyan naqdiyay ka qayb galka ay Somaliland ka qayb gashay tartanka kubadda cagta ee wadamada aan la aqoonsan ee ka socda Abkhazia oo ka go’day dalka Georgia.

buubaa

Md. Buubaa ayaa qoraal kooban oo uu ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay in ka qayb galka tartankaasi uu muujinayo in Somaliland tahay dal ka go’ay Somaliya. “Marka laga tago xiisaha ay nafsiyan kor u qaadayso ka qayb galka Somaliland ee ciyaaraha abkhaasia, siyaasi ahaan waa arrin taban.” ayuu yidhi Buubaa oo intaas raaciyay “Waxay xoojinaysaa fahamka ah in Somaliland tahay gobal gooni u goosad ah. Somaliland kamay go’in Somaliya. Waxay ahaayeen laba dal oo midoobay lixdankii.”

Buubaa oo qoraalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in dhibaatada ka taagan Somaliya lagu xalin karo in la sii wado midnimadii lixdankii iyo in la kala baxo, “Baahida loo qabo  in dhibaatada Somaliya lagu  furdaamiyo laalista ama ku dhaqanka midnimadii lixdankii waxay muhiim u tahay degenaansha Geeska Afrika ee maanta.” ayuu yidhi Buubaa.