Ismaaciil Buubaa Oo Sheegay In Waddada Loo Maray Aqoonsi Somaliland Ay Mugdi Sii Gelisay Qadiyadda, Farriinna U Diray Saaxiibkii Cali Khaliif Galaydh Iyo Itoobiya

Published on Jun 12 2016 // Warar

buubHargeysa (Geeska)-Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta ruug-caddaaga ah ee Somaliland ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya waxa uu kaga hadlay dhacdadii lagu laayey dadka maatida ah ee Deegaanka Gaashamo, waxaanu ku taliyey sharciga la hor keeno dadkii dhibkaas gaystay, dagaalkii ka dhacay Dharkeen-geenyo isaga oo uu si gaar ahna fariin waano ah ugu diray Cali Khaliif Galaydh oo uu ugu baaqay inuu ka shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida ee aanu ka shaqeeyn colaadda iyo isku dhaca labadan beelood. Dhinaca kalana siyaasi Buubaa waxa uu ka hadlay qiimaha maalinta 26 June oo ah maalintii Somaliland xorriyadda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, ahaydna maalinti ugu horreysay ee ay dhisantay dawlad leh magaca Somaliland aqoonsina ay ka heshay dalal door ah, iyada oo ay maalmihii u dambeeyey soo noqnoqonaysay dood uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar bilowgeeda lahaa oo la xidhiidha 26 June iyo 18 May midkooda mudan in ay yeelato maamuuska maalin Qaran. Waxa aanu Buubaa sheegay in in 26 June ay tahay maalintii ay Somaliland xoriyadda ka qaadatay dalka Ingiriiska, isla markaana waddamo badan oo Caalamka ahi aqoonsadeen, sidaa awgeed waxa uu ku taliyey  maalinta 26 June in la xoojiyo, oo Caalamka loo soo bandhigo in ay tahay maalintii Somaliland noqotay Dawlad madaxbannaan

Wareysigan gaarka ah oo uu Ismaaciil Buubaa oo xilal badan ka soo qabtay Soomaaliya iyo Soomaalilaan siiyey Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo kale;

Nabadgelyada:

Ugu horreyn isaga oo Ismaaciil Buubaa ka hadlaya xaaladda colaadeed ee maalmihii ugu dambeeyey ka jirtay deegaanka Dharkangeeye waxa uu yidhi, "Dadka reer Dharkeen-geenyo waa dad walaalo ah waa Inan (Wiil) iyo abtigii, waa dad walaalo ah oo wada dhashay, oo aan meel kala tegayn, in loo gurmado oo la heshiisiyo weeye Xukuumaddduna door culus ka qaadato, sidii loo soo afjari lahaa, sidii dagaalkan loo dhamaystiri lahaa”

Ismaaciil Buubaa waxa uu farriin u diray Siyaasiga ah reer Somaliland ee colaadaha iyo siyaasadaha qaybta ah ka wada deegaannada Bariga Somaliland Mudane Cali Khaliif Galaydh, waxa aanu yidhi, “Saaxiibkay Cali khaliifna waxa aan leeyahay arintani maaha arin la siyaasadayn karo, waa arin u baahan in nabadgalyo lagu soo dabbaalo, labadan beeloodna waa laba beelood oo uu ka dhashay oo uu dhex joogo, waxaan ku boorin lahaa in uu ka shaqeeyo sidii coladaa halkaas ka taagan loo soo afjari lahaa, waxna looga qaban lahaa"

Ismaaciil Hurre Buubaa mar uu ka hadlaayey dadkii dhowaan sida foosha xunloogu laayey tuulada Jaamac Dubbad ee deegaanka Gaashamo ayaa yidhi "Dhinacan Gaashamo waa wadan kale oo Dawladdi ay ka taliso, kolka aan anigu arimahaas u kuurgalayna sida wax u dhaceena waxay ahayd si khalad ah oo niman qaadlayaal ah oo Gaadhi watay ayaa markii Gaadhigii laga qabtay yidhi aynu ku dagaallanno, halkaas ayuu dhibku ka bilaabay, iyadoo ay sidaas tahayna in dadka la xasuuqo oo inta magaalo dhan loo yimaado in dhinaca walba xabad lagaga furaa bini Aadannimada wey ka baxsan tahay, derisnimada wey ka baxsan tahay, Itoobiya deganaashaheedana aad iyo aad ayey u dhaawacaysaa, dad walaalo ah oo wada dageni inay xabad isku qaatan ma wanaagsana, waxayna aniga ila tahay in Dawladda dhexe ee Itoobiya iyo Dawladda Kililka Shanaad ay arintan door weyn ka qaataan, kana shaqeeyaan sidii degdeg loogu qaboojin lahaa dhibkan dhacay. Sida ugu dhakhasaha badanna waa in qanuunka loo marsiiya dadkii dhibkan geystay ha noqdaan dad ka soo jeeda Dawladda ama ha noqdaan dad ka soo jeeda Shacabka"

Soomaaliya:

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo sidoo kale ka hadlay arimaha Soomaaliya iyo weliba arrimaha Soomaaliya iyo Soomaalaan, ugu horreyn isaga oo ka hadlaya safarkii Madaxweynaha Turkigu uu ku yimid Soomaaliya waxa uu yidhi "Madaxweynaha Turkigu in uu Xamar imaanayo cid waliba waa ay ogeyd, muddo dheer ayaa laga shaqeynaayey, mana aha wax ku soo booddo ah, wayna ogsoon nahay inay Dawladda Turkigu door weyn ka ciyaarayso dejinta arimaha Soomaaliya.

Iyada oo hawlaha Turkigu ka qabanayo Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska, caawimada ay u fidinayaan iyo Magaalada Xamar ee ay ka shaqeeynayaan annaan ka xumayn oo aanu ku bogaadinayno, ayaa haddana waxaanu Turkiga u sheegaynaa inay taariikhiyan Somaliland isku xidhnaayeen, oo muddo aad u dheerna Turkigu joogay Somaliland, xidhiidh wanaagsanna ka dhexeeyey. Waxa aan leeyahay Turkigu sidaa uu Xamar wax uga qabanayo, Somaliland wax ha uga qabto, haddii ay tahay Dekaddaha iyo dib-u- dhiska Waddooyinka, dhinaca Somaliland waxa looga baahan yahay in Wasaaradda Qorsheyntu mashaariic mucayin ah oo Somaliland wax lagaga qabanayo u gudbiso dawladda Turkiga, wax allaale wax saameeyn ahna safarka Madaxweynaha Turkigu ku tagay Soomaaliya kuma yeelanayo wada hadallada".

Dhinaca geeddi socodka wada hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya oo wax laga weydiiyey siyaasi Ismaaciil Buubaa waxa uu ka yidhi, "Arinta wada hadalku waa arin u baahan in laga wada shaqeeyo, in labadii Dawladdood ee isku yimid (Soomaalilaan iyo Soomaaliya) sidii ay iskugu yimaadeen in haddana ay u kala noqdaan, badbaadada Umadda Soomaaliduna waxay ku xidhan tahay in ay Soomaalilaan iyo Soomaaliya si toos ah u kala baxaan, oo waliba iyaga oo laba Dawladood ah isku caawin lahaayeen, oo midba mid kale barbar taagnaan lahayd, khaas ahaan dhinaca Soomaalilaan nidaamkii dawladnimo si wanaagsan buu u hanqaaday, waxayna dhinaca Soomaaliya ka caawin karta Maamul dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nidaamka Dawladnimaba, laakiin se iyada oo Soomaalilaan dawlad buuxda ah oo Soomaaliyana si toos ah u aqoonsatay ayaa ay wax u qaban kartaa"

Maamuuska 26 June iyo Jidka aqoonsiga loo maray:

Ugu dambayn siyaasi Ismaaciil Buubaa oo xilal sare oo kala duwan ka soo qabtay dawladaha Soomaalilaan iyo Soomaaliya, muddooyinkii u dambeeyey oo uu Hargeysa ku sugnaana si aad ah ugu ol’oleeya sidii nidaam sharci oo sax ah ay Somaliland ugu mari lahayd madax-bannaanideeda, ayaa uu Geeska Afrika wax ka weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha doodda maamuuska maalinta 26 June oo foodda innagu soo haysa waxa aanu ku jawaabay, “Somaliland waxay madaxbannaanid iyo dawladnimada heshay 1960-kii, waxa aanay madaxbannaani ka heshay Ingiriiska oo Xukumi jiray, kolkaas aqoonsiga noocaas ahi waa aqoonsiga sharciga ah, Somaliland in ay aqoonsi raadinta u marto ayaa ay ahayd 26kii Juun 1960-kii, wakhtigii ay Ingiriiska ka qaadatay madaxbannaanida, balse waddo kale oo khaldan ayaa la maray, oo mugdi galisay mawqifkii madaxbannaanida Somaliland,

26 June ayaa ay Somaliland madax banaani heshay oo ay noqotay dawlad madaxbannaan oo Caalamka oo dhami ogsoon yahay, waana in arintaas culays la saaro oo Caalamka oo dhan laga dhaadhiciyo oo walibana Ingiriiska aad loogu boorriyo arintaas, maxaa yeelay isaga ayaa Somaliland siiyey sharciyada dawladnimada.

Imikana waxaa habboon in lagu boorriyo Ingiriiska in mar labaad arintan uu wax ka qabto, Caalamka iyo Waddamada Afrikana waa in laga dhaadhiciyaa in aanay Somaliland ahayn qayb ka go'day Somaliya, ee Somaliland iyo Soomaaliya ay ahaayeen laba dawladood oo isku yimid, imikana mid kastaa xaq u leedahay inay gooni isku taagto, sida ay Masar iyo Suuriya iskugu yimaadeen haddana u kala noqdeen, Senegal iyo Gambia inta ay isku yimaadeen haddana u kala noqdeen, waddamo fara badan oo noocaas oo kale ah ayaa jira. Laakiin dhaqanka siyaasadeed ee Somaliland loo dhaqayo, ee maamulladii isku xigay ay mareen, had iyo goor waxa uu xoojinayaan ka soo go'ii aynu Soomaaliya ka soo go'nay, oo madax banaanidii horeba la iska ilaabay.

Somaliland iyo Somaliya waa laba dal oo kale, waxaana daliil u ah in hadda magaca Soomaaliya isticmaasha uu yahay Soomaaliya, wakhtigii ay isku tageenna waxa la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, laakiin se imika maamulka Xamar ka jiraa waxa uu sheegtaa magaca Soomaaliya, halkii laga odhan lahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya, haddii ay maanta cidi badhi furtay heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya waxa badhi furtay Soomaaliya, oo magaceedii hore la soo noqotay, markaas Somaliland xaq bay u leedahay inay Magaceedii hore la soo noqoto".

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!