Iskuullada Nuuradiin Oo Xaflad Ku Sagootiyey 800 Oo Arday Oo U Fadhiistay Imtixaankii Shahaadiga

0
531

Hargeysa(Geeska)-Maaamulka Iskuullada Nuuradiin ayaa xafladd qiimo badan ku sagootiyey 800 oo arday oo Nuuradiin uga qaybgalay imtixaanaadkii sanad-dugsiyeed-kii sanadkan 2016.

Narudin-Logo

Xafaladda Sagoontinta ah oo ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada hargeysa, isla markaana si weyn u soo jiidatay indhaha iyo quluubta dadweynihii kala duwanaa ee mudanta iyo martidaba lahaa, waxaana ka qayb galay Masuuliyiinta iskuulada Noradiin, Macalimiin, Ardayda iskuulada Noradin, Waalidiin, Siyaasiyiin, iyo  aqoon yahan aad u tiro badan.

Ugu horayn waxa ka hadlay Maamulaha guud ee Iskuulada Noradiin, oo sheegay qaybaha kala duwan ee ardayda, isla markaana wuxuu ardayda ugu duceeyay guulo aakhiro iyo aduun ba ah. “800 boqol ee arday 358 waa hablo 442 waa inamo. Waxay u dhigmaan ardaydani gobollada Somaliland marka ardayda Noradin la eego waxa ka badan gobol ahaan iyo ardayda Nordin ka baxaysa laba gobol oo kaliya Gobolka togdheer iyo Gobolka Awdal, labadaa Gobol oon filayo midna 1200 midna 1100 inay yihiin ayuun baa ka badan yihiin marka Noradin ahaan la eegayo.  Ilaahay ha barakeeyo meel fiican aakhiradooda iyo aduunyadoodaba ilaahay ha mariyo, waxaan u ducaynaa ardaydaasi nimcooyinkaa badan ee ilaahay ina siiyay in uu ilaahay inoo ilaaliyo