Isku Carinta Dhadhanka Dabka: Waa Tartan Busbaas Cunka Ah Oo Sannad Kasta Lagu Qabto Dalka Turkiga

99
9590

Ankara (Geeska)- ‘Isku carinta dhadhanka dabka’ Sidaas ayaa loo yaqaannaa ciyaar carin ah oo lagu tartamayo cunista busbaaska noocyadiisa ugu kulul, kaas oo ka dhacda magaalada Antalya oo ku taalla koonfurta dalka Turkiga. Dad tiro badan oo iskood isu soo xulay ayaa isugu imanaya fagaare la keenay xaddi aad u badan oo ah busbaaska qajiga loo yaqaanno noocyadiisa ugu kulul, qaybo is le’eg oo busbaaskaas ka mid ah ayaa tartamayaasha la hordhigayaa waxa aana loo qabanayaa saddex daqiiqo si guulaystuhu uu u noqdo qofka daqiiqadahaas gudahooda ku dhammaystira cunista qaybta busbaaska ah ee la siiyey.

Waxaa markan ku tartamay 18 qof, waa fagaare dad badani u soo daawasho tageen. Waxaa jooga kooxaha muusikada tuma oo cadad kala duwan ugu raaxaynaya tartamayaasha, si ay u illowsiiyaan ama ugu yaraan uga yareeyaan dareenka ay  u yeelanayaan kulaylka xad dhaafka ah ee busbaaska aadka u kulul ee la doonayo in ay saddex daqiiqo gudahood ku dhammeeyaan.

Warbixin aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa lagu sheegay in tartankan u dambeeyey uu ku guulaystay tarame cunay qiyaas ah 315 Giraam oo busbaas ah, waxa aanu ku guulaystay abaalmarintii loogu talagalay guulaystaha koowaad oo oo qiimaheedu lacagta doolarka ku noqonayo ku dhowaad 130 doolar. Halka tartamaha kaalinta labaad galaana uu helayo intaas badhkeed oo ah 65 doolarka Maraykanka ah.

Intii aanu tartanku bilaaban, ayaa maamulayaasha tartanka iyo guddida garsoorku waxa ay tartamayaasha u qaybiyeen cabbitaanno isugu jira tamaandho iyo caano ciir ah oo ah nooc aad looga isticmaalo dalka Turkiga. Cabbitaannadan ayaa ah kuwo loogu talagalay in ay tartamayaasha ka yareeyaan dhadhanka kululaka daran ah ee busbaaska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here