Iska Jir In Ilmahaagu Uu Aaladaha Elegtarooniga Ah Isticmaalo Wax Ka Badan 90 Daqiiqo Maalintii

37
3012

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in carruurta waqti badan ku qaata isticmaalka tiknoolajiyaddu ay khatar u yihiin buurni saayid ah oo ku timaadda iyo dhibaatooyin kale oo caafimaadba. Sida uu ku warramay wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska dhakhaatiir ku xeeldheer caafimaadka carruurta ayaa cilmibaadhis ay sameeyeen ku ogaaday in uu jiro xidhiidh adag oo ka dhexeeya korodhka miisaanka carruurta iyo isticmaalka joogtada ah ee qalabka tiknoolajiyadda, sida talefannada gacanta, ipad ka iwm.

Cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa waalidiinta ugu baaqday in ay talalaaboyin adag ka qaataan xakamaynta waqtiga uu ilmuhu 90 daqiiqo wax ka badan maalintii ku qaato hor fadhiga aaladaha elektarooniga ah.

Adamos Hadjipanayis oo isagu lahaa hal-abuurka daraasaddan ayaa sheegay in aanay aaladaha tiknoolajiyadda ku koobnayn khatartu ee sida oo kale loo baahan yahay in ilmuhu aanu maalinti iwax ka badan hal saac iyo badh ku qaadan daawashada muraayadda talefishanka, kombiyuutarka iyo guud ahaanba qalabka la mid ah.

Xeeldheereyaasha ayaa sheegay in carruurta ay u jeedaan ay yihiin kuwa ka weyn Afar sano, haddii se’ da’daas uu ilmuhu ka yaryahay ay sideedaba khatar ku noqonayso caafimaadkiisa.

Waxa kale oo ay xeeldheereyaashu sheegeen in qofka dhalinyarada ah oo caadaysta in uu habeenkii saacadaha dambe eego ama akhriyo wararka warbaahinta ay ku keento hurdo xumo, taasina ay sabab u noqoto in khatarta ah in miisaankiisu si aad ah u kordho.

Ugu dambayntii waxa ay cilmibaadhistani ka digtay in talefishanka la dhigo qolka hurdada  carrruurta, waxa aanay u soo jeediyeen waalidka in ay iska yareeyaan isticmaalka qalabka elektarooniga, gaar ahaan marka ay carruurtu ka agdhowdahay si ay carruurtuna ugu daydaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here