Ishaarooyinka Faraha Ee Bulshooyinka Qaar Caadada U Leeyihiin Kuwo Kalana U Yaqaannaan Ceebta (Q:4aad)

0
880

Picture6Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Afaraad ee qormadii aynu kaga waramaynay ishaarooyinka gacmaha ee ay bulshooyinku ugu kala duwan yihiin, sida dhaqanka iyo afka ugu kala duwan yihiin.

9. Madax taabashada: Bulshooyin badan oo dunida ku dhaqan waxaa u dabeecad ah in qofka weyni ruuxa da’da yar madaxa u salaaxo si uu naxariis iyo kalgacal ugu muujiyo. Sunnaha islaamkuna waxa uu dhiirri gelinayaa in qofka muslimka ahi uu daryeelo una naxariisto agoonka, isaga oo ajar gaar ahna ku helaya in uu madaxa u salaaxo.

Haddaba dhaqanka ah in ruuxa naxariista loo muujinayo gaar ahaan carruurta madaxa loo salaaxo dunida oo dhami kama sinna. Dalka Thailand iyo inta badan ee dalalka diinta Buddhism ku ka jirto waxaa dembi looga yaqaannaa in madaxa loo salaaxo qofka da’ kasta oo uu yahay. Caqiidada diinta Buddhism ka ayaa dhigaysa in madaxu uu yahay halka ay ruuxdu deggen tahay, ruuxduna ay tahay muqaddas daaahir ah oo ay tahay in aan la taaban, sidaa awgeed waxaa mamnuuc ah in madaxa qofka la taabto.

Picture710. Farta murdisada iyo suulka oo la isku duubo: In farta murdisada ah iyo suulka laga sameeyo gool iyada oo saddexda farood ee kalana kor loo taagayaa waa astaan caan ka ah dunida inteeda badan oo la aaminsan yahay in ay u taagan tahay ereyga laatiiniga ah ee OK oo lagu cabbiro waxa aad waafaqsan tahay ama ogoshahay ama aad sheegayso in aanay waxba ka qaldanayn ama wax dhibaato ahi aanay jirin.

Ishaaradan oo aad loo isticmaalo ayaa bulshooyin badan oo dunida ku dhaqani ay u yaqaannaan in ay dhaqan ahaan ceeb tahay, tusaale ahaan dalka Faransiiska ishaaradani waxa ay u dhigantaa EBER ama tiro ahaan (0), sidaa awgeed in qof ishaaradaa lagu yidhaahdaa waxa ay ka dhigan tahay iyada oo la leeyahay waxba ma tihid ama hawsha aad waddaa wax macno ah malaha. Dalalka Venezualla, Turkiga iyo Brazil ishaaradan waxaa looga yaqaannaa cay aad u dhaqan xumo ah, oo la mid ah tan ay Soomaalida qudheeduna u taanno. Dhammaad