Ishaarooyinka Faraha Ee Bulshooyinka Qaar Caadada U Leeyihiin Kuwo Kalana U Yaqaannaan Ceebta (Q:2aad)

0
811

Picture9Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii aynu kaga waramaynay ishaarooyinka gacmaha ee ay bulshooyinku ugu kala duwan yihiin, sida dhaqanka iyo afka bulshooyinku u kala duwan yahay.

4. Farta ugu yeedhid: In kasta oo ay bulshooyinka dunida badankoodu aaminsan yihiin in qofka oo farta loogu yeedho sida sawirka koowaasd ka muuqataa ay tahay calaamad muujinaysa kibir iyo in qofkan yeedhayaa uu iska weynaynayo kuna kibrayo qofka uu u yeedhayo, haddana dhaqan ahaan mamnuuc kama aha badankooda oo aad ayaa ay u isticmaalaan, iyaga oo marar badan aan ujeedo sidaa u xun ka lahayn. Si kastaba ha ahaato ee ishaaradani dalalka qaar ayaa ay u leedahay macno kale oo ka weyn ka kibirka ah ee aynu ka hadalnay.

Picture10Bulshada ku dhaqan dalka Filibiin waxa ay ishaaradan ugu yeedhaan eydooda, sidaa awgeed haddii aad qof dalka u dhashay farta ugu yeedho waxa uu u qaadanayaa in aad ku sheegayso in aad eygiisa la mid tahay, taasina dhibteeda ayaa ay leedahay. Dalka Filibiin waxaa aad uga sii daran dalalka Singapore iyo Jabaan oo labaduba bulshooyinkoodu ay aad uga xanaaqaan in loogu yeedho farta murdisada oo loo lulo iyada oo ay baabacadu kor xigto. Dhaqanka qaddiimiya oo ay labada bulsho ee dalalkani ay ka siman yihiin ayaa ishaaradan u yaqaanna in ay tahay geeri, oo ruuxa loogu yeedho ay macnaheedu tahay in geeri loogu baaqayo ama ducaynayo.

5. Adeegsiga gacanta midig: Sunnaha Islaamku waxa uu ina barayaa oo weliba ku cad xadiis Nebiegeenna (SCW) laga soo wariyey in isticmaalka gacanta midigtu uu ka fadilan yahay isticmaalka gacanta bidix, oo ay qalad tahay in marka aynu wax cunayno aynu bidixda adeegsanno. Weliba cuntada oo keliya ma’aha ee islaamku waxa uu ina farayaa in wax kasta oo wanaagsanna aynu midigta ku horreysiinno. Laakiin dalal badan oo reer galbeed ah iyo dadka aaminsan in ay jirto ilbaxnimo ka baxsan diimuhu waxa ay dhaqan u leeyihiin in gacanta bidixda wax lagu cuno oo tusaale ahaan gacanta midigta lagu qabsado mindida, gacanta bidixdana lagu qabsado fara-geedada, oo marka afka cuntada la gelinayo ay gacanta bidixdu shaqayso.

Haddaba gacanta bidixda oo wax lagu cunaa waxa ay dhaqan ka tahay dalalka reer galbeedka, waxa aanay ceeb ka tahay dunida muslimka, sidoo kale dhaqanka ah in bidixda wax lagu cunaa waxa uu ceeb ka yahay dalal badan oo Afrikaan ah oo aan muslim ahayn ama u badnayn iyo dalalka Sri Lanka, iyo Hindiya oo dhammaantood u diida sababo diineed ama la xidhiidha dhinaca nadaafadda.

6. Gacanta oo kala baxsan kor ha u taagin: Dhaqannada bulshooyinka dunidu waxa ay u badan yihiin in ay gacanta oo kala baxsan taagaan marar badan oo leh macnayaal kala duwan, tusaale ahaan waxa aynu gacanta u taagnaa qofka aynu doonayno in aynu iska joojinno isaga oo innagu soo socda, ama aynu doonayno in aynu hadalkiisa iska joojinno, in kasta oo ay cadho ama diidis adagi ka muuqato haddana dhaqan ahaan dadka badankoodu ceeb uma yaqaannaan marka laga reebo inta la og yahay, dadka dalka Giriigga.

Dadka Giriiggu dhaqankoodu ishaaradan waxa uu u yaqaannaa ceeb, waxaana suurtogal ah in qofka lagu yidhaahdaa uu isaga oo aan hadal kale odhan dagaalamo , si uu sharaftiisa u dhowrto. Dhaqan qaddiimiya oo dalkaas ka jiri jiray ayaa ishaaradan u isticmaali jiray marka la xaqirayo tuugga iyo ruuxa dhagar qabaha ah ee la soo qabto, sidaa awgeed qofka reer Giriig ee aad ku tidhaahdaa waxa uu u fahmi karaa in aad ula macaamilayso sida tuug ama dhagar qabe la soo qabtay. La soco…