Isbeddelka Cimilada Iyo Dhul-Beereedkii Oo Soo Ururaya Ayaa Ka Mid Ah Sababo Khatar Ku Ah Nolosha Afrika

0
822

Hargeysa (Geeska)- Qaaradda Afrika waxaa soo waajahay khatar cunto yaraan ah oo looga cabsi qabo in sannadaha soo socda si aad ah looga dareemo qaybo badan oo ka mid ah. Sababaha keenaya oo badanna waxaa ka mid ah, isbeddelka cimilada oo dhaawaciisa ugu badan ku dhacayo qaaraddan saamiga ugu yar ku leh wasakhaynta hawada.

Hoos u dhac ku yimi wacyiga faa’idooyinka beerashada ee dadka qaaradda iyo dadkeeda oo tiradoodu sii badanayso ayaa iyaguna sababaha ka mid ah.

In kasta oo uu aad u weyn yahay bedka dhuleed ee ay qaaradda Afrika ku fadhido oo lagu qiyaaso in uu ka badan yahay 32 Milyan oo Kiiloomitir oo afarjibbaaran ah. Qofka aan xog-ogaalka u ahayn duruufaha kale ee qaaradda ku xeeranina marka uu baaxaddaas dhuleed maqlo uu ku abuurmayo dareen xasilooni ahi, haddana xaqiiqada aan quruxda badnayn ee dareenkaas dilaysaa waa in dhulka beerashada looga faa’idaysan karo ee qaaraddu uu si is-daba joog ah oo weliba xawli ku socota u sii ururayo.

Sida lagu sheegay cilmibaadhis cusub oo Geeska Afrika uu ka soo xigtay shabakadda Aljazeera, dad ka badan Afartan Milyan oo Afrikaan beeraley ahaan jiray, ayaa maanta la’ legdamaya duruufo nololeed oo ka dhashay dhulkii ay beeran jireen oo ay hoos u sii dhacayso awooddiisii waxsoosaar.

Dhibaatada nololeed ee ka dhalan karta dhimashada dhulkii beeraha ku fiicnaa ee Afrika, waxaa sii kordhinaya korodhka dadka oo sannadihii u dambeeyey aad kor ugu kacay, sababtiisana loo aanaynayo bishaarada ah in caafimaadka guud ee dadka Qaaraddu uu sidii waqtiyadii hore ka soo fiicnaanayo, tarankii oo kordhay iyo da’dii dhimashada oo celceliskeedu kor uga kacay intii hore, waxa aanay arrimahani dhaliyeen in xeeldheerayaal badani ay saadaaliyaan in qarnigan tirada dadka Afrika ay gaadhi doonto Afar Bilyan oo qof.

Dhibta laga cabsi qabo in ay ka dhalato hoos u dhaca waxsoosaarka beeraha ee Afrika waxaa sii badinaya dadka qaaraddan oo si aad ah ugu tiirsan beeraha. Tusaale ahaan warbixin uu soo saaray baanka adduunku waxaa lagu sheegay in boqolkiiba 70 dadka ku dhaqan Afrika ay ka shaqeeyaan beeraha, marka tiradaas la eegana waxa ay noqonaysaa in dadka qaaraddan ee beeraha ku tiirsani ay ka tiro badan yihiin dhammaan dadka qaaradaha kale ee beeraha ku tiirsan.

Isbeddelka cimilada adduunka ayaa deegaanno badan oo Afrika ah ku keenay abaaro daba dheeraada oo soo noqnoqdo, waxa aanay khatar gelisay nolosha malaayiin dadka qaaradda ah oo u le’anaya ama qarka u saaran in ay u madhaan gaajo iyo cudurro abaaraha ka dhasha. Waxa kale oo ay khubaradu sheegayaan in dhibaatada beeraha ee Afrika haysata ay ka mid tahay dhulka yar ee weli ku habboon beerashada oo sida loo beerayaa aanay ahayn sidii saxda ahayd, tusaale ahaan waxaa dhulka fuushan culays ah in ay kala badan yihiin baaxaddiisa iyo waxa lagu beerayaa, waxa aana meelo badan dhacda in ay beeruhu is cidhiidhyaan taasina meesha ka saarto fursaddii ay ciiddu u heli lahayd in ay labada xiili beereed dhexdooda ku nasato dibna uga soo kabato dhaawacii caafimaad ee ka soo gaadhay beerashadii hore. Arrintani waxa ay meelo badan ku keentay isbeddel ku yimid noocii ciidda iyo wax-soo-saarkeedii oo yaraaday oo xitaa marka uu roobku da’o aanay sidii hore ahaanayn.

Warbixintan uu Geeska Afrika soo akhriyey ayaa uu wargeyska caanka ah ee New York ku in sheegay dhibaatooyinka aynu soo xusnay ay khatar weyn ku yihiin Afrika oo lagu tilmaamo qaaradda aan weli curan, iyada oo looga duurxulayo in aan weli khayraadkeeda oo beeruhu ka mid yihiin sidii saxda ahayd looga faa’idaysan.

Waxa aana sii kordhaya cabsida laga qabo isbeddelka cimilada iyo arrimo ay ka mid yihiin kuwa aynu soo xusnay oo lagu daro khasaaraha joogtada ah ee dhulka iyo deegaankaba ka soo gaadha khilaafaadka hubaysan ee siyaasiga ah oo qaaradda ku badan, amni xumada oo dad badan dhulkoodii beereed ka eriday, wacyiga iyo aqoonta bulsho oo aan la dhisin iyo loollanka joogtada ah ee qabiilka ama qoomiyadda ku salaysan ee dadka isku dalka ah ku dhex mara khayraadka dabiiciga ah ee dalka in ay keenaan gaajada iyo dib u dhaca oo qaaradda ku sii bata.