Is Barbardhiga Waraaqo Ay Rayaale Iyo Siilaanyo U Kala Qoreen Obama Iyo Trump

0
535

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu halkan idiinku soo gudbinayaa laba qoraal oo madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweyne Siilaanyo u kala direen madaxweynayaashii Maraykanka ee Barack Obama iyo Donald Trump, markii la doortay.

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa helay labadii qoraal ee hambalyada ahaa ee ay labada madaxweyne u kala direen labadaas madaxweyne ee Maraykanka oo uu mid walba xilligiisii ku soo beegmay.

Daahir Rayaale

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa qoraal hambalyo ah wuxuu u diray madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama markii la doortayba, waxaanu qoraalkaas madaxweyne Rayaale ahaa mid kooban balse nuxur badan xambaarsanaa. Qoraalkaas oo uu Geeska Afrika helay, soona baxay November 5 2008,  ayaa markii Soomaali aanu u soo turjunay wuxuu u dhignaa sidan: "Farxadweyn ayay ii tahay in aan kugu soo hanbalyeeyo guushaadii taariikhiga ahayd ee sida heerk sare ah laguugu doortay hoggaaminta laguugu doortay madaxweynaha 44aad ee dalka Maraykanka.

Dawladayda iyo dadkayguba waxay illa wadaagaan rayn-rayntan aan ku soo gudbinayo iyo rabitaanka in aan mar kale kuu xaqiijiyo farxadda aanu dareennay markii guushaada daqiiqado yar ka hor lagu dhawaaqay.

Waxaan rajaynayaa inaynu sii xoojino wada shaqaynteena iyo sida oo kale xidhiidhkeena wada shaqayneed si loo ilaaliyo qiimaha bini’aadamka  oo labadeena dhinacba qaali ku ah.

Waxaan masuuliyada laguu doortay kuugu rajaynayaa guul, shakina kuma jiro in hogaamintaada aanay ka faa'idi doonin oo kaliyaata dadka Maraykanku laakiin ay faa'ido u noqon doonto dhammaan dunida."

Axmed Siilaanyo

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa isna wuxuu bogaadin u diray madaxweynaha wakhtigan ee Maraykanka Donald Trump, isagoo qoraal uu soo saaray 11 November 2016 madaxweyne Trump ku bogaadiyay guushiisa. Qoraalka madaxweyne Siilaanyo oo ay madaxtooyadu wakhtigaas u  turjuntay Soomaali ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka dalkayga iyo dadkayga waxan kugu hambalyeynayaa guusha aad ka gaadhay Doorashadii ay shacabka Maraykanku kuugu doorteen inaad noqoto Madaxweynahoodii 45-aad.

Mudane Madaxweyne, haatan oo Doorashadii lagu kala calaf qaaday, waxa lagama maarmaan ah inaad ummadaada midayso oo aad u damaanad qaado horumar iyo barwaaqo, mid kuu codeeyey iyo mid kaa codeeyeyba.

Dalka Maraykanka oo ah dal ay Dunidu kaga dayato waxyaabo badan gaar ahaan xagga xorriyada, dimuqraadiyada iyo xuquuqda aadamaha, Dadkayga iyo dalkayga Somaliland waxay ku kalsoon yihiin in Xukuumadaadu ay sii wadi doonto gudashada xilka iyo waajibaadka Maraykanka kaga beegan Bulshada Caalamka.”

Gunaanad

Qoraalka madaxweyne Rayaale, waxa laga dareemi karaa inuu ku koobnaa bogaadinta madaxweyne Obama oo keliya, isagoo haddana ka faa’iidaysanaya inuu xasuusiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland. Sidoo kale wuxuu xasuusiyay in shacabka reer Somaliland si weyn ugu farxeen guushiisa taas oo muujinaysa in reer Somaliland bulshada Afrika la wadaageen farxada ay u qaadeen guushii Obama.

Madaxweyne Siilaanyo, guusha madaxweyne Donald Trump ka sokow, wuxuu u muuqdaa inuu dhex galay siyaasadda gudaha ee dalkaas, isagoo madaxweyne Trump xasuusiyay inuu madaxweyne u  yahay shacabka u codeeyay iyo kuwaan ka codaynba. in kasta ooo uu sidoo kalena xasuusiyay xidhiidhka Somalilnd iyo Maraykanka.