Iphone 8 Oo Aan Weli Suuqa Soo Gelin Ayaa Lagu Dhaliilay In Uu Leeyahay Adeeggii Ugu Doqonniimada Badnaa Abid

0
964

Washington (Geeska)- Xeeldheereyaasha tiknoolajiyadda talefannada gacanta ee casriga ah ayaa sheegay in talefanka cusub ee ay shirkadda iPhone suuqa soo gelisay 12kii bishan aynu ku jirno ee Sabtembar uu leeyahay adeeg ah adeeggii ugu liitay abid ee dhinaca nabadgelyada talefanka la xidhiidha.

iPhone 8 ayaa soo kordhiyey adeegga ah in qofku uu talefankiisa ku xidho xusuusta muuqaalka wejigiisa, halkii ay hore ka ahayd in uu lambar ama calaamad jiitimo ah iyo akhriska farta ku xidho si cid aanu ogolayn aanay uga isticmaalin. Adeeggan oo ah waxa ugu weyn ee ay shirkadda Apple ee soo saarta talefannada iPhone doonaysay in ay ku suuqgeyso talefankeedan cusub ayaa ay xeeldheerayaashu caddeeyeen in fikradda samaynta adeeggani ay doqonniimo tahay, maadaama oo talefanka lagu xidho adeegga garashada wejiga si fudud loo khiyaamayn karo adeeggan oo la furi karo, tusaale ahaan ay ku filan tahay in halkii qofka wejigiisa laga tusi lahaa la hordhigo sawirka qofka kadibna inta uu qofkii moodo uu is furayo, xitaa mararka qaarkoodna lagu arkay in qof aan qofkii talefanka wejigiisu ku xidhnaa ahayn uu isu furo.

Dad badan ayaa ka cabsi qaba in adeeggani uu fududeeyo jabsiga talefankan casriga ah iyo in cid aan la’ la doonayn ama xadday si dhib yar isaga furato xogta xasaasiga ah ee ku jirta. Waxa aana si gaar ah farta loogu fiiqay in siyaabaha adeeggan loo khiyaamayn karo ay ka mid tahay in qofka oo wejiga soo duubta ama qofka oo u soo qurxiya (Make up) qaab u eeg qofkii talefanka lahaa. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Skynews ayaa lagu sheegay in khubaradu ay ka deyrinayaan dhibaato xatooyo oo adeeggan cusubi sababi karo.

Si kastaba ha ahaato ee khubarada tiknoolajiyaddu waxa ay si aad ah u ammaaneen awoodda iyo aqoonta tiknoolajiyadeed ee khubarada shirkadda Apple u sahashay in ay sameeyaan adeeg casri ah, illaa xad uu kala sooci karo wejiyada malaayiin dad ah.