“Ingiriisku Ma Aqoonsana Somaliland, Laakiin Waanu La Dhacsanahay, Waanan Taageersanahay”

0
771

Hargeysa(Geeska)-Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire David Concar, ayaa sheegay in inkastoo aanu Ingiriisku aqoonsanayn Somaliland haddana uu Ingiriisku la dhacsanyahay.

Danjire David Concar, oo u waramay BBC-da, ayaa su’aalaha la weydiiyay waxa ka mid ah mawqifka Ingiriiska ee madaxbanaanida Somaliland, waxaanu safiirku ku jawaabay “Sida aad adiga iyo dadka Soomaaliyeed ee badankiina ogsoontihiin, ma aqoonsanin dalal kale oo badana uma aqoonsana Somaliland inay tahay dal xor ah oo madaxbanaan. Laakiin waan la dhacsanahay, waanan taageersanahay annagoo samaynayna wixii awoodayada ah si aan xukuumadda Muqdisho ugu dhiirigelino inay maamulka Hargeysa la yeelato xidhiidh wax dhisaya, waxaanan rajaynaynaa inay xilli dhow ay ku wada shaqayn doonaan si walba  oo ay intaan isaga sii dhowyihiin arrimo khuseeya dadka Soomaaliya  iyo kuwa Somaliland sida waxbarashada, caafimaadka, hanaanka sirdoonka iyo wixii la mid ah, waxa jira arrimo badan oo wada hadal keliya aan ahayn laakiin ay si ficil ah iskaga kaashan karaan Somaliland-ta Hargeysa iyo xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.”