Ingiriiskii Oo Sagootiyey EU, Mustaqbalka Midnimada Dhinac Kasta Oo Su’aalo Ka Taagan Yihiin

0
453

Hargeysa (Geeska)- Dadkii Ingiriis waa ay hadleen, waxa aanay caddeeyeen doonistoodda ah in ay ka baxaan Midowga Yurub. Waa go’aan taariikhi ah, iyo dhacdo ugub ku ah Midowaga Yurub oo tan iyo sannadkii 1957kii markii la aasaasay ku hawlanaan jiray kala hufidda codsiyada dalalka doonaya in ay xubno ka noqdaan, laakiin dalka Ingiriiska oo in kasta oo aanu ka mid ahayn lixdii dal ee aasaasay Midowgan haddana 43 kii sano ee uu xubinta ka ahaa xagga hore kaga jiray awoodda dhaqaale, diblumaasiyadeed iyo milateri ee Midowga Yurub uu haatan kaga nixiyey noqashada dalkii ugu horreeyey ee iskaga taga dalladdan, sida ay dhigayso natiijada cod-bixintii khamiistii ka dhacday dalkaas oo arooryadii hore ee Jimcihii shalay lagu dhawaaqay.

1

Midnimada lu’lata iyo raadadka soo degdegay:

– Lacagta Giniga Ingiriiska ayaa isla markii natiijada horudhaca ahi soo baxdayba, waxaa ku dhacay qiimo dhicii ugu hooseeyey muddo 31 sano ah.

– Hoggaamiyaha xisbiga lagu magacaabo Madaxbannaanida Ingiriiska ee loo soo gaabiyo UKIP Nigel Fridge ayaa isla markiiba farxad hadlay oo jimcihii soo saaray hadal uu ku dalbanayo in la soo dhiso xukuumaddii dalka ka saari lahayd Midowga Yurub, si loo dhabeeyo codka shacabka. Fridge oo ol’ole adag ugu jiray sidii Ingriisku uga bixi lahaa Midowga Yurub ayaa weeraray raysalwasaare David Cameron oo isagu doonayey in Ingiriisku sii joogo Midowga Yurub.

– Raysalwasaaraha Scotland oo ah dawlad ka mid ah saddexda dal ee uu Ingiriisku ka kooban yahay ayaa iyaduna soo saartay war ay ku sheegayso in mustaqbalka Scotland uu ku jiro Midowga oo laga sii mid ahaado, waxa aanay tani taageeraysaa codka dadka reer Scotland oo iyagu u badnaa in ay ka sii mid ahaadaan EU, waxa aanay tani calaamad u tahay burbur laga yaabo in uu ku soo fool leeyahay Ingiriiska dhexdiisa, maadaama oo ay dad badani saadaalinayaan in gobollada u codeeyey ka sii mid ahaanshaha EU, sida Ireland iyo Scotland ay dalban doonaan afti ay kaga baxayaan midnimada Ingiriiska si ay uga madax bannaanaadaan England oo iyadu si xooggan ugu codaysya ka bixista Midowga Yurub. Waxa aana jirta cabsi ah in Ingiriisku uu ku dambeeyo saddex dal.

– Holland: Hoggaamiyaha rmucaaradka dalka Holland Feldroz oo isna si adag uga soo horjeeda soogaleetiga ayaa ku baaqay in afti loo qaado ka sii mid ahaanshaha dalkiisa ee Midowga Yurub. Feldrouz ayaa war murtiyeed uu soo saaray ku yidhi, “Waxa aanu doonaynaa in aanu annagu gacanta ku hayno masuuliyadda maamul ee arrimaha dalkayaga, maaliyaddayada, xuduuddadayada iyo siyaasadahayaga ku waajahan soo-galeetiga.

– France: Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiiska, Jan Marc ayaa isaguna farriin uu jimcihii ku qoray barta uu ku leeyahay twitter ka waxa uu ku sheegay in Faransiisku aad uga xun yahay codaynta dadka Ingiriis ku go’aamiyeen in dalkoodu uu ka baxo midowga Yurub, waxa aanu Midowga Yurub ugu baaqay, in ay u dhaqaaqaan sidii ay dib ugu soo noolayn lahaayeen kalsoonida shucuubtooda. “Waa aan u murugoonaynaa Ingiriiska”

Dhinaca kalana Xisbiga Waddaniga ah ee dhinaca midigta u janjeedha ayaa isaguna war uu soo saaray Jimcihii shalay waxa uu ku baaqay in dalka Faransiiiska laga qaado afti dadka lagu weydiinayo ka sii mid ahaanshaha Midowga Yurub, “Hambalyo Ingiriiskoow… imikana waa markayagiii” ayaa uu guddoomiyaha xisbigani ku yidhi war uu ku daabacay boggiisa twitter ka.

Madaxweynaha Faransiiska Hollande ayaa isna shir shaaraa’id oo uu kaga hadlay bixitaanka Ingiriiska waxa uu warwar ka muujiyey mustaqbalka midnimo ee EU da, “Waxaa maanta ina horyaalla laba jid oo ah in aynu furfurno Midowga Yurub iyo in aynu sii xoojino midnimadeeda” waxa aanu sheegay in uu booqan doono Jarmalka si uu Raysalwasaaraha dalkaas ugala xaajoodo arrintan soo korodhay.

– Jarmalka: Raysalwasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa bixitaanka Ingiriiska kadib sheegtay in warkaasi naxdin ku noqday, laakiin waxa ay ku talisay in si deggen oo waaqaci ah loo eego arrimahan, waxa aanay mar kale sheegtay in Midnimada Yurub ay tahay sida keliya ee mabaadii’da Yurub lagu rumayn karo. Dhinaca kalana waxa ay sheegtay in Ingiriisku uu ku sii jiri doono Midowga muddada ay socdaan wada hadallada Midowga iyo Ingiriisku kaga tashanayaan xidhiidhkooda mustaqbalka.

– Maraykanka: Madaxweynaha dalka Maraykanka oo isagu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii dunida ee u ol’oleeyey in Ingiriisku aanu ka bixin Midowga Yurub ayaa isna sheegay in dalkiisu uu weli xidhiidh fiican la sii yeelan doono Ingiriiska.

– Hungary: Raysalwasaaraha dalka Hungary Fiktoor Ourbaan ayaa isna sheegay in codaynta Ingiriisku muujinayso in Midowga Yurub looga baahan yahay in ay dhegeysato codka shucuubteeda, xal macquul ahna u doono qadiyadaha muhiimka ah ee Soo-galeetigu ka mid yahay.

– Belgium: Raysalwasaaraha dalka Belgium oo xarun u ah EU da ayaa isna ku baaqay kulan degdeg ah oo ay hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Yurub mar kasta ku sii adkeeyaan fulinta wacadkoodii midnimada.

– Norway: Raysalwasaaraha dalka Norway ayaa isna sheegay in midowga looga baahan yahay in ay garwaaqsadaan in inta badan ee muwaadiniinta Ingiriisku aanay ka raalli ahayn jihada ay Qaaraddu u socoto. Waa aanu ku baaay in mar kale dib loogu noqdo jeexidda jid cusub oo Yurub ay mustaqbalka ku soconayso.

– Talyaaniga: Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa isna sheegay in codaynta Ingiriisku kaga baxay EU laga fahmayo sida ay lagama maarmaan u tahay in sida ugu dhaqsaha badan uu Midowga Yurub u sameeyo tallaabooyin uu wax kaga beddelayo mustaqbalka ururka.

– Sweden: Raysalwasaaraha Sweden ayaa isna arrintan jawaabteeda ku soo koobay, “Waa qaylo dhaan ina faraysa in aynu baraarugno”

– Spain: Raysalwasaaraha dalka Spain ayaa isna sheegay codayntani masuuliyiinta midowga Yurub tusayso baahida loo qabo in xoogga ay saaraan horumarinta dhaqaalaha iyo abuuriista fursado shaqo, iyo sidoo kale in ay si sidan imika kasi fog ay isu dhex galaan.

– Ruushka: War Jimcihii shalay ka soo baxay aqalka Kremlin ka ee looga taliyo dalka Ruushka ayaa lagu sheegay in Ruuushku uu jecel yahay in Midowga Yurub uu sii ahaado quwad dhaqaale oo jirta. Dhinaca kalana waxa uu Ruushku sheegay in dhibaato ka haysatay xidhiidhka Ingiriiska, laakiin hadda uu jecel yahay in Ingiriiskan cusub uu xidhiidh fiican la yeesho.

Midowga Yurub:

Midowga Yurub ayaa war uu soo saaray jimcihii ku sheegay in inkasta oo ay hagar daamo tahay bixitaanka Ingiriisku, haddana uu Ingiriiska ka rabo in uu dhaqso u bilaabo wada hadallada iyo geeddi-socodka ka bixitaanka EU da. Midowga Yurub waxa uu sheegay in aanay dib u dhici doonin in Ingiriiska iyo Midowga Yurub ay ka wada hadlaan in uu dib ugu soo biiro EUda.

Dadaallada badbaadinta Midnimada Midowga Yurub:

Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Lixdii dal ee aasaasay midowga Yurub sannadkii 1957kii oo ah Faransiiska, Jarmalka, Luxemburg, Holland, Belgium iyo Talyaaniga ayaa shaaciyey shir degdeg ah oo sabtida maanta ay isugu imanayaan magaalada Berlin si ay uga wada xaajoodaan natiijada codaynta Ingiriiska, iyo saamaynta ay ku yeelanayso mustaqbalka Midowga Yurub iyo sidoo kale sidii looga hortegi lahaa furfuran dambe in uu dhaco.