Ingiriiska Oo Sheegay Inuu Taageerayo Dib U Habanaynta Garsoorka Dalka Somaliland

0
483

Picture3Hargeysa(Geeska)-Safiirada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya ambassador Harriet Mathews, ayaa sheegtay inuu Ingiriisku taageeri doono dib u habanaynta garsoorka Somaliland.

Danjire Harriet, oo la kulantay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa waxa ay farriin kooban oo ay gelisay barteeda twitterka ku sheegtay inay guddoomiye Aadan kala hadashay aragtidiisa dib u habaynta garsoorka, “Waxaanu ka wada hadalnay aragtidiisa dib u habaynta garsoorka. Ingiriisku wuu taageeri doonaa.” Ayay ku tidhi qoraalkeeda kooban.

Haweenaynadan safiirada ah oo maalmahan u dambeeyay ku sugnayd magaalada Hargeysa ayaa la kulantay Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxda xisbiyada mucaaradka oo ay kala hadashay xaaladda siyaasadeed ee ay Somaliland ku sugantahay.