Ingiriiska Oo Ergay Cusub Oo Bedeli Doona Wakiilkoodii Hore U Soo Magacaabay Somaliland

0
1359

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriika ayaa Somaliland u soo magacowday ergey cusub, kaas oo bedeli doono haweenay Ingiriiska wakiil uga ahayd Somaliland oo fadhigeedu ahaa Hargeysa.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ergayga cusub magaciisu yahay Stuart Brown, waxaanu bedeli doonaa Rosie Tapper oo madax ka ahayd xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa. Rosie ayaa loo bedelay inay madax ka noqoto qaybta siyaasadda ee safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee Ciraaq.

Ergaygan cusub ayaa toddobaadka dambe soo gaadhi doona magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, oo uu joogi doono labada sannadood ee soo socda, waxaanu xidhiidhin doonaa dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here