Ingiriiska Oo Dabada Ka Riixaya Qorshe Qaramada Midoobay Ay Cunaqabataynta Hubka Kaga Qaadayso Ereteriya

Mawqifka Dawladda Jabbuuti iyo Qorshaha Ingiriiska ee ku aaddan cunaqabataynta Soomaaliya saaran

25
3236

Hargeysa(Geeska) Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa diyaarinaya qaraar cunaqabataynta lagaga qaadayo dawladda Ereteriya kadib markii reer Galbeedku bedelay mawqifkooda. Heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya ayaa fure u ah qorshaha cusub waxaanay cunaqabataynta hubku saarnaan doonta Somalia sida qaraarka cusub dhigayo.

Dawladda Ingiriiska ayaa Khamiistii golaha u qaybisay qaraar ku baaqaya in Ereteriya laga qaado cuno qabataynta Hubka iyo dhammaan xariyaadda dhanka socdaalka, hantida laga xannibay iyo dhammaan cuno qabataynaha lagu bartilmaameedsaday Ereteriya sida uu dhigayo qaraarka Ingiriisku u ololanayo oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP.

Qaraarka ayaa loo codayn doona 14-ka bishan November, waxaana lagu rajo weyn yahay in la meel marin doono sida laga soo xigtay ilo diblamaasiyadeed. Maraykanka iyo Ingiriiska oo heshiiska Ereteriya iyo Itoobiya kadib dalbanayay in Asmara hagaajiso xorriyatul qawlka iyo xuquuqal iisaanka ayaa haddana mawqifkooda bedelay, islamarkaana ogolaaday in cuno qabataynta la qaado.

Ereteriya waxa cuno qabataynta la saaray sanadkii 2009 kadib markii lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha ka dagaallama Soomaaliya, hase ahaatee waxa qaraarka lagu sheegay in Kooxda la socodka cuno qabataynta u qaabilsan Qaramada Midoobay aanay keenin wax caddayn ah oo ku saabsan in Ereteriya taageerto argagixisada.

Dawladda Ereteriya ayaa eedahaasi dafirtay waxaanu wasiirkeeda arrimaha dibaddu bishii September kulanka guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in cuno qabatayntu curyaamisay dalkiisa iyada oo aanay wax sharci ah ku salaysnayn waxaana cuno qabatayntu buraysa isla maalinta loo codeeyo qaraarka sida ku xusan qaraarkan cusub.

Dawladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ku wehelinaysa baaqa ah in cuno qabataynta laga qaado Ereteriya intii isbedelku ka dhacay Geeska Afrika laakiin, sida uu dhigayo qaraarka cusub waxa Soomaaliya sii saarnaan doonta cuno qabataynta hubka.

Dawladda Jabuuti ayaa hore si weyn uga soo hor jeedsatay in cuno qabataynta hubka laga qaado Ereteriya iyada oo ay u dhexeyso colaad dhanka xuduudka ah. Hase ahaatee qaraarkan ayaa Ereteriya iyo Jabuuti ku boorrinayo in la sii wado wada hadallada bilawday bishii September oo madaxda labada dal ku kulmeen Sucuudiga.

Waxa xusid mudan in dawladda Ingiriiska oo qaraarkan dabada ka riixaysa la filayo in ay dhawaan xoojiso cilaaqaadka ay la leedahay Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa boggiisa twitter-ka ku sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Ingiriisku sheegay in ay si dhakhso ah safaarad uga furan doonan Jabuuti. Wasiirku waxa uu sheegay in ay taasi ku timid siyaasadda arrimaha dibadda Jabuuti oo furfuran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here