Ingiriiska Oo Bidhaamiyay Inuu Doonayo Inuu Taageero Qaddiyadda Somaliland, Balse Haddana Iska Ilaalinaya Inuu Noqdo Dalka U Horeeya Ee Aqoonsada

0
826

Hargeysa(Geeska)-Majalada caanka ah ee  “the New Statesman” ee ka soo baxda dalka Ingiriiska, ayaa shalay baahisay in dawladda Ingiriisku doonayso inay taageerto qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, laakiin haddana ay jirto cabsi haysa taas oo ku qasbaysa inaanay doonayn inay noqoto dalka u horeeya ee aqoonsada Somaliland.

Majaladan, ayaa sheegtay in dawladda Ingiriisku iftiimisay inay doonayso inay taageerto qaddiyada madaxbanaanida Somaliland, laakiin aanay haddana doonayn inay noqoto dawladda u horaysa ee banaanka u soo baxda, “Iyadoo ka cabsi qabta.” Ayay warbixintu tidhi, “In lagu eedeeyo inay dib u gumaysanayso maxmiyadeedaas hore [Somaliland.”

Laakiin wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaanay doodda dawladda Ingiriisku qancin, “Mawqifkayagu waxa weeye inaanad go’aamada u qaadan oo aanad ku salayn waxa ay dadku odhan doonaan, laakiin maxaa sax ah, maxaase khalad ah lagu saleeyo.”

Wasiir Sacad Cali Shire, wuxuu kaloo wargeyskan u sheegay in Somaliland ay gobalka Geeska Afrika ka hirgelisay nidaam doorasho oo dimuqraadiyad ku salaysan, “Waxaanu ilaa hadda qabanay saddex doorasho oo madaxtooyo, mid walibana nabadglelyo ayay ahayd, mid walbana waxa lagu doortay madaxweyne. Sannadkii 2003 80 cod oo keliya ayaa lagu kala helay kala helay.”

Waxase ay warbixintu soo qaadatay inkastoo uu wasiirku sidan u ammaanay nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland haddana in dhawaan lagu xidhay gabadh dhallinyaro ah oo abwaanad ah.

Wasiir Sacad Cali Shire, wuxuu sheegay in Somaliland ay arrimaheeda ku maamulatay gacanteeda, iyadoo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland.

Waxa kale oo uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland sheegay in aqoonsi la’aanta baasaborka Somaliland ay caqabad ku tahay ganacstada Somaliland ee doonaya inay dibadaha u safraan. Waxa kale oo uu sheegay in aqoonsi la’aantu ay Somaliland ku hayso caqabad ah inaanay soo jiidan Karin maalgashedayaasha, taas oo dib u dhac ku haysa dhaqaalaha Somaliland.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here