Ingiriis, Kanada, Ustareeliya, Maraykan Iyo NATO Oo Ka Cabanaya Weerarro Internet Ka Ah Oo Uu Ruushku Ku Hayo

24
2961

Moosko (Geeska)- Dawladaha reer galbeedka ayaa si wadajir ah Ruushka ugu eedaynaya in uu weerarro ballaadhan oo dhinaca internet ka ah ku hayo hay’adaha kala duwan ee dawladahooda, oo ay ka mid tahay hay’adda mamnuucista hubka kiimikada ah.

Eedahan ay reer Yurub oo uu Ruushku beeninayo ayaa mar kale soo cusboonaaday kaddib markii dawladda Holland ay ku dhawaaqay in dalkeeda ay ka caydhisay afar muwaadiniin Ruusha ah, oo ay ku tuhuntay in ay u shaqaynayeen sirdoonka Milateriga ee dalka Ruushka.

Wasiirka difaaca Holland oo ah haweenay lagu magacaabo Ank Bijlevel ayaa sheegay in basaasiintaas Ruushka ahi ay ku eedaysan yihiin isku dayo ay bishii Afaraad ee sannadkan ku doonayeen in ay jabsadaan baraha iyo shabakadaha internet ka ee hay’adda mamnuucista hubka Nukliyeerka ah, xarunteeda dhexe ee magaalada Hague.

Wasiir Ank Bijlevel waxa ay intaas ku dartay in weerarrada dhinaca internet ka ee sirdoonka Ruushku ay ku jihaysan yihiin kombiyuutarrada ay ku jiraan faylasha la xidhiidha baadhista caalamiga ah ee Holland hoggaaminayso eek u socota dhicistii diyaaraddii dalka Malaysiya laga lahaa ee sannadkii 2014 ka ku dul burburtay dalka Ukraine. Wakaaladaha kale ee ay masuuliyiinta Yurub sheegeen in Ruushku beegsanayo waxaa ka mid ah, wakaaladda la dagaallanta daroogada.

Raysalwasaaraha Ingiriiska Theresa May iyo dhiggeeda dalka Natherland Mark Rutte ayaa warmurtiyeed ay wadajir u soo saareen waxa ay ku cambareeyeen weerarrada dhinaca internet ka ee ay sheegeen in Ruushku uu ku hayo, waxa aanay wacad ku mareen in ay difaaci doonaan hay’adahooda dawliga ah.

Ingiriiska iyo Ustareeliya ayaa iyaguna si wada jir ah sirdoonka Milateriga Ruushka ugu eedeynaya in uu weerarro dhinaca internet ka ah ku hayo hay’adaha siyaasadda, Ciyaaraha, shirkadaha iyo warbaahinta meelo kala duwan oo dunida ka mid ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska Jeremy Hunt, ayaa sheegay in weerarrada Ruushku ku hayaa ay ku socdaan amar toos uga imanaya aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin ka, gaar ahaan madaxweyne Vladimir Putin. Waxa aanu wasiirku Moosko ugu hanjabay in ay Ruushka ku soo rogi doonaan cunaqabatayno cusub, si jilbaha dhulka loogu dhigo. Hore ayaa uu sirdoonka Milateriga ee Ingiriisku, waxa uu Ruushka ku eedeeyey masuuliyadda sagaal weerar oo dhinaca internet ka ahaa.

Dalka Kanada ayaa isaguna sheegay in Ruushku uu ku hayo weerarro dhinaca internet ka ah, oo uu beegsanayo hay’ado muhiim ah o odalkeeda xarumo ku leh, kuwaas oo ay ka mdi yihiin wakaaladda caalamiga ah ee la dagaallanka daroogada iyo dawooyinka jidhka firfircoonida geliya ee ciyaartoyga laga ilaaliyo, oo xarunteedu tahay magaalada Mont Real ee dalka Kanada, waxa kale oo uu Ruushku weeraray xarunta dalka Kanada ku taalal ee anshaxa ciyaaraha.

Midowga Yurub ayaa isaguna war uu soo saaray waxa uu walaac ka muujiyey waxa uu ku tilmaamay iskudayada Ruushku uu ku doonayo in uu in uu wax ku yeelleeyo badqabka ururka xakamaynta hubka kiimikada ah.

Wasaaradda Garsoorka ee dalka Maraykanka ayaa iyaduna dhowaan eedo u soo jeedisay toddoba nin oo oo ka mid ah saraakiisha sirdoonka milateriga Ruushka. Maraykanku waxa uu sheegay in basaasiintan Ruushku ay ka dambeeyeen weerarro dhinaca internet ka ah, oo qaarkood lala beegsanayey shirkadda tamarta Nukliyeerka Maraykanka ee xarunteedu tahay Pennsylvania, iyo xarumaha hay’adda xakamaynta hubka Kiimikadu ay ku leedahay dalka Maraykanka. Wakaaladdan oo uu Ruushku weerar xooggan oo dhinaca internet ka ah ku hayo dhammaan xarumaheeda Yurub iyo Maraykan ayaa ku hawlan baadhitaanno lagu hubinayo in dalka Suuriya uu dad rayid ah u isticmaalay hubka Kiimikada ah iyo in Ruushku uu sumeeyey basaaskoodii hore ee Sergei Skripal oo Ingiriiska magangelyo ku jooga.

Wasiirka difaaca Maraykanka James Mattis ayaa isaguna sheegay in saddex ka mid ah basaasiinta aynu soo sheegnay ee Ruushka ah lagu eedeeyey in ay ahaayeen raggii fulinayey farogelintii uu Ruushku ku sameeyey doorashooyinkii madaxtinimada ee uu ku soo baxay madaxweyen Donald Trump. Wasiir Mattis oo ka hadlayey kulan ay gaashaan buurta NATO  ku lahayd xruntooda Brussels ayaa ku hanjabay in Maraykankau diyaar u yahay in uu awooddiisa dhinca difaaca internet ka u adeegsado u adeegista dawladaha ku bahoobay NATO si looga hortago weerarrada Ruushka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa khamiistii toddobaadkii hore beenisay eedaha ay Ingiriiska iyo Ustareeliya u soo jeediyeen ee weerarrada dhinaca internet ka ah. Masuuliyiinta Ruushku waxa ay sidaas oo kale u beeniyeen dhammaan eedaha dalalka reer galbeedka uga imanaya ee sheegaya in uu ku hayo weerarro dhinaca internet ka ah.

Dawladaha xuduudka la wadaaga Ruushka oo ay ka mid yihiin Lithuania, Lavia iyo Estonia ayaa iyaguna si joogto ah uga cabanaya weerarro dhinaca internet ka ah oo uu Ruushku ku hayo hay’adaha dawladda iyo nidaamkooda dhinaca bangiyada. Warbixintan oo aynu ka soo xigannay shabakadda internet ka ee Aljazeera ayaa ugu dambayntii sheeaya in Ruushka oo loogu eedaynayey in uu doorashadii Maraykanka farogelin dhinaca internet ka ah ku sameeyey, si ay u dhacdo murashaxaddii la tartamaysay Donald Trump oo ahayd Hillary Clinton, in uu haddana isku dayey in jabsado kombiyuutarrada loo isticmaalayo geeddi socodka doorashada xubnaha NATO.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here