Indho La’aanta Oo Dunida Aad Ugu Soo Badatay Iyo Sababaha Loo Tirinayo In Ay Keenaan

0
994

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daaha ka rogtay in tirada dadka aragga waaya iyo dhibaatada caafimaad ee dhinaca indhuhu ay dunida oo dhan si aad ah ugu soo badanayso.

Cilmibaadhis ay sameeyeen khubaro caafimaadka indhaha ku xeeldheer oo ay hormood u ahaayeen Robert R. Bourn iyo Seth R. Flaksman oo majaladda Lancet ee arrimaha caafimaadka ka faalloota toddobaadkii ina dhaafay lagu faafiyey ayaa lagu ogaaday in dadka dunida maanta ku dhaqan ee tiradoodu gaadhayso 7.33 Bilyan oo qof ay 36 Milyan oo ka mid ahi dareenka aragga la’ yihiin, halka 216 Milyan oo kalana ay ka qabaan xanuunno iyo dhibaatooyin indhaha la xidhiidha.

Cilmbaadhistan uu Geeska Afrika natiijadeeda turjumay oo tijaabooyinkeeda la waday muddo 35 sano ah ayaa caddaysay in ay sida oo kale jiraan 94 Milyan oo qof oo qaba cudurka ‘Luminta aragga dhow’ oo afka qalaad lagu yidhaahdo Presbypia, kuna dhaca dadka waaweyn oo keliya.

Warbixintu waxa ay hoosta ka xariiqday in dadka mushkiladaha dhiaca indhaha ah qaba ee ay daraasaddu soo qaadatay ay yihiin oo keliya kuwa xaalkoodu dhexdhexaadka yahay ama aad u culus yahay, taas oo macnaheedu noqonayo in haddii tirada lagu daro guud ahaan dadka dhibaatooyin dhinaca aragga ah tirsanaya, ay tiradu aad uga sii badanayso intan hadda la og yahay.