“Inagu Madaxweyne Ayaynu Dooranay; Rag Aynaan Dooran Oo Aynaan La Xisaabtami Karin Ayaa Dalkii Ka Taliya. Somaliland Halkii Ugu Xumayd Ayay Maraysaa”

0
506

Hargeysa(Geeska)-Guddomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waadani xildhibaan Cabdiqaadir Ismaacil Jirde, ayaa sheegay inay dalka ka taliyaan dad aan ahayn kuwii la doortay. Waxa uu guddoomiyahu ka dayriyay xaalada dalka, waxaanu shacbiga ugu baaqay in loo baahan yahay in aanay arintaasi sii socon. Xildhibaan Jirde, waxa uu arimahan kaga hadlay xaflad xadhiga xisbiga Waddani uu kaga jaraayay xafiiskooda degmada 26-ka Jun ee magaalada Hargeysa, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay "Degmadani waa degmada ugu weyn caasimada deegaan ahaan waa degmada aan ka tirsanahay anigu, waa halka aan ka diiwaangashanahay oo waa halka aan ka codeeyo waa halka reerkayaga iyo qoyska reer jirde oo dhan uu degan yahay, markhaati ayaan ahay intaas ay sheegeen inay run ka tahay, waxa degen dad aad xagga siyaasada u bisil oo waligeedba ilaa lixdankii natiijo wanaagsan keeni jiray, waa dad iska diiday in qabaalika layska horkeeno, waxay diideen inay cidna qabiil ku raacaan.”

Jirde oo ka hadlaya xaaladda dalka islamarkaana sharaxaya xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Muuse Biixi wuxuu yidhi “Aniga Muuse isku degmo ayaanu nahay oo 26-ka Jun ayaanu wada nahay, Xarshin iyo Laanqayrta ayaanu wada nahay, malcaamadii ayaanu soo wada galnay deegaan ayaanu wadaagnaa, baadidayada ayaa isku soo gasha waana awoowgay oo waa reerkii hooyaday dhalay walaaladay oo dhana wada dhalay, waa nin iga kaa xiga marka xagaas la eego kumaan raacin taas anigu, waxaan ku raacay xisbiga Waddani mabda',hawl,mustaqbal iyo badbaado qaran ceebna ka sheegi mayno ee waxaanu arkaynaa inay maanta danta Somaliland ku jirto isbedel, sidaas uu xoghayuhu sheegay dalkan afar inan ayaa ka taliya oo aynaan dooran. Inagu madaxweyne ayaynu dooranay oo aynu saf u galnay oo aynu codka ugu ridnay oo aniga oo UDUB ahaa aan u codeeyay, rag aynaan dooran oo aynaan la xisaabtami karin oo aynaan waxba weydiin karin ayaa dalkii ka taliya, waxaanu doonaynaa in aanay taasi sii socon in dalkan majarihiisii lagu soo celiyo in umadda mustaqbalkeeda loo soo celiyo, Somaliland halkii ugu xumayd ayay maraysaa oo waligeed halkaas may gaadhin.”

Isagoo guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani ka hadlaya boostii ku xigtay saldhiga dhexe oo ay xukuumadu iibisay, wuxuu yidhi “Maanta hadaad martaan halkii boosta; boostii iyo saldhigii ayaa laysku qabtay askartii waxay yidhaahdeen maxbuuska soo dhaca meel aanu uga gurmano ma hayno, waa wadadii umada oo dhami ay maraysay  bari hore ayaan sheegay oo saldhigana waa loo dhutinayaa. Reer Saaxil waxay nagu yidhaahdeen waar naga soo gaadha, waxbaba ugu iman maysaane, mudane guddoomiye balanqaadkaas ay sameeyeen degmada 26-ka Jun waynu ka gudoonay oo anaga ayaa kaaga gudoonay dhex iyo markhaatina ka noqonayna, balantaadii adiguna inaad oofiso aad 26-ka june la gashay anaguna markhaati ayaanu ka noqonaynaa."

Hadaladan ah inay taladii dalka hayaan dad aan la dooranin, ayaa noqday mawduuc in badan soo noq noqday, oo aanu weli madaxweyne Siilaanyo shacabka uga jawaabin.