“Ina Rayaale 8-dii Sanno Ee Uu Xilka Hayey, Waxa Uu Xidhay 17-Suxufi, Labadii Sano Ee U Horeeyey Silanyo Waxa Uu Xidhay 58-Suxufi”

0
604

Picture6Hargeysa(Geeska)-Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hore u ahaa Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee  Kulmiye, haddana ka tirsana Madasha wada-tashiga Somaliland, ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedayey inay xad gudub balaadhan u geeystay Saxaafadda madax banaan ee dalka, waxaanu sheegay in Xisbiga Kulmiye markii uu ahaa Mucaaradka uu iska dhisi jirey una doodi jirey Saxaafadda, balse markii uu qabtay taladda dalka, uu cabudhin iyo xadhig u geeystay Saxaafadda Madax banaan.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka hadlaayey Munaasibad lagu xusaayey Maalinta Saxaafadda Madax banaan oo shalay ku beegnayd oo lagu qabtay Mansoor Hotel ee  Magalaada Hargeysa ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddani kaga xadhig badan tahay dhinaca Saxaafadda Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa, waxaanu yidhi isagoo arimahaas ka hadlaya “Anigu waa anigii inta badan Qurbaa ku noola, Saxaafadda xorta ahna waan aqaana, Ninka yidhaahda Saxaafadda Somaliland wey kulushahay oo waxa ayey xumaysa waa Nin aan war haynin, Saxaafadda Somaliland waa Saxaafad qun yar socod ah, Saxafadda kale ee dalalka Dumuqraadiyada ah fadeexado ayey soo bandhigaan, wax walbana wey sheegaan,Saxaafaddeenu taas ma gasho, Culays aad u badan ayaana saaran Saxaafaddeenii, anigu Shaqsiyan waan ka xumahay, haddii aan sheego sababta aan uga xumahayna waxa aan ahaa markii aanu Mucaaradka ahaan jirnay Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Xisbiga Kulmiye, mar waxa aan ahaa Ninka Warbaahinta u qaabilsan, Maxamed kaahin oo Afhayeen noo ahaa ayaa fadhiya, bal u fiirsada Khudbadihii Axmed Maxamed Siillaanyo u fiirsada, waxa uu had iyo goor odhan jirey laba eray, waxaanu odhan jirey Saxaafad la cabudhinayo, Saxaafadda Madax banaan ha la daayo, waxaanu had iyo goor cuskan jirey geedi socod dimuqraadiyadeed, Maanta Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa agtayda fadhiya, Dawladdii Ina Rayaale wey xidhay,Jeelka ayaanu ugu tagnay, waanu u halganay, Maantana tan ayaa xidhay, Nin aanu Ilmaamti aanu nahay ayaa yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shil ku soo dhaawacmayna waa naloo keenay, Maantana isaga oo Kulmiye soo dilay ayaa naloo keenay, markaas Yuusuf taas iskaga mid ayaanu nahay.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Kulmiye wax badan ayuu xariif ku ahaa, wuxuu yaqaanay sida wax loogu guuro, Axmed Maamed Maxamuud (Siillaanyo), Saxaafadda uu ku guuray, Baarlamaankii uu ku guuray, waanu ka wada dul talaabsaday, waxaanu yidhi idiin ma baahni, Ina Rayaale waxa aanu odhan jirey waa Nabad sugid, waxbuu xidhxidhaa, Siddeedii Sano ee uu xilka hayey, waa uu xidhay 17-suxufi, Labadii sano ee u horeeyey ee Sillaanayo Xilka hayey waxa uu xidhay 58-suxufi, ma waxa aynu nahay Dumuqraadi mise wax aan la aqoon,haddii Dumuqraadiyada aynu sheegayno inaga dhab tahay Saxaafaddu waa ka kow, waana Runka afaraad, waxa ka horeeya Golaha,  Xeer ilaalinta iyo Dawladda, intaasi midna ma jiro, Saxaafadii ayaa inoo hadhay, haddii iyadana la baabiyo Dumqraadiyadeeni waa ka kac, Aniga iyo Faysal Cali Waraabe Qurbaha ayaanu ka nimid meesha aanu tagnaba waxa aanu kaga hadlaanaa Qadiyada Somaliland, intay wax walba halkaas iska dhigaan ayey yidhaahdaan Hubaal iyo Haatuf maxa loo xidhay, arintuna halkaas ayey inaga maraysa,Dawladdeeni meel xun ayey wax marinaysa,  Saxaafadda oo qudha lama xidhee, Xuquuqal Isaankii Dalkuba uu arshuban yahay, Qofka Muwaadka ah ee reer Somaliland ah cida doonta ayaa xidhi karta, Askariga,ayaa  xidhi kara Ninkii doona ayaa xidhi kara cid is weydiinaysaana ma jirto”.