In Subaxnimada Hore Bun La Cabbaa Waa Qalad Caafimaad Oo Khatar Badan, Sababtana Anaa Kuu Haya!

50
4145

Washington (Geeska)- Dad badan ayaa ay caado u tahay in ay arooryada hore maalintooda ku bilaabaan cabbista bunka, halka qaar ka mid ahina ay bunkaasba quraac ka dhigtaan, arrintaas oo ay khubarada nafaqadu caddeeyeen in ay tahay qalad caafimaad oo sababi kara dhibaato aad ballaadhan.

Warbixin uu sii daayey talefishanka CNBC oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in subaxa hore aanu ahayn waqti k uhabboon in bun la cabbo, maadaama oo la ogaaday in uu keeno dhaawacyo caafimaad oo ay ka mid yihiin in uu kor u kaco mid ka mid ah hormoonnada masuulka ka ah xaaladaha nafsiga ah ee walbahaarka iyo murugada, sidaa awgeed uu qofku bunka ka qaadayo dareen ah in aanu niyad ahaan xasiloonaan dareemi waayo.

Laura Kipolo oo ah qoraaga mid ka mid ah kutubta ugu caansan ee laga qoray caafimaadka haweenka iyo nidaamka cunto eek u habboon, ayaa sheegtay in subaxda marka la tooso oo dhaqso bun loo cabbaa ay sida oo kale keento in qofku uu dareemo firfircooni aan caadi ahayn iyo haddana in diiqadda iyo cadhadu qofka ku badato, sababtuna waa heerka feejinaaneed ee uu bunku abuurayo, waxa aanay ku dardaarantay in bunka la cabbo ugu yaraan dhowr saac kaddib marka hurdada laga tooso.

Laura waxa ay tilmaamtay in ‘Qofku uu hurdada ka soo tooso jidhkiisa oo uu ka buuxo hormoonka Cortisol ka, waana sababta ay ugu badan tahay in subaxdii warwar badani qofka ku dhaco, tusaale ahaan shaqada tegisteeda, ama gudashada waajibaadka u yaalla iyo hawlaha kale ee ku xeeran in uu wax iska weydiiyo, marka qofkii oo xaaladdaas la soo toosay uu haddana cabbo bunka oo aynu ognahay in ay ku badan tahay maadadda Caffeine oo iyaduna sii badisa isla hormoonkaas warwarka keenaya ee Cortisol, waxaa ku sii badanaya xaaladdii nafsiga ahayd, warwar, walaac badan, murugo iwm, taasina waxa ay ka dhigaysaa qofka qof daallan isaga oo aan wax badanba qaban, iyo in uu shaqada gaabis ku noqdo oo waxsoosaarkiisu ka hooseeyo intii uu awoodi kari lahaa’

Laura waxa ay intaas ku sii dartay, “Cabbista bunku waxa ay ku fiican tahay in lala sugo marka uu hoos u dego heerka hormoonka Cortisol ee jidhka ku jiraa, oo noqonaysa saddex illaa Afar saacadood kaddib, marka hurdada laga tooso” Waxa kale oo ay xeeldheerahan Maraykanka ahi ka digtay in habeenkii bun la cabbo, sabab kastaaba ha kallifto ee. Waxa aanay tidhi, “Si kasta oo ay shaqadaadu tahay, iyo wax kasta oo aad ka shaqayso, habeen weligaa bun ha cabbin.” Laura waxa ay sheegtay sababta ay uga digayso bunka, “Maadadda Caffeine waxa ay jidhka ku jiraysaa oo nidaamkiisa shaqo ay saamayn ku yeelataa muddo gaadhaysa lix saacadood”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here