In Kasta Oo Uu Qorfahu Dawo Yahay Haddana Waxaa Jira Dhibaatooyin Caafimaad Oo Uu Keeno

0
1578

Hargeysa (Geeska) Qorafalku waxa uu ka mid yahay xawaashyada ugu caansan dunida oo dhan, urtiisa oo aad u udgoon laguna tilmaamo in ay nafta xasiliso ayaa ka mid ah sababaha lagu jeclaaday geedkan. Laakiin urta iyo dhadhanka fiican ee uu sameeyo oo keliya ma’aha sirta ku jirtaa, balse waa dawo hodan ku ah maaddooyin badan oo caafimaadka aad u caawiya.

Si kastaba ha ahaato ee khubarada caafimaadka dhirtu waxa ay xaqiijiyeen in geedkan oo faa’idooyinkiisa caafimaad aad u badan yihiin uu leeyahay dhibaatooyin barbar socda oo haddii lagu talaxtago cunistiisa ay khatar tahay in ay qofka haleelaan.

Dhibaatooyinka uu keenay oo Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxaa ka mid ah:

Wadne xanuun: waxa uu kordhiyaa garaaca wadnaha, sidaa awgeed dadka wadne xanuunka leh lagulama taliyo isticmaalka qorofalka.

Heerkulka jidhka: Isticmaalka badan ee qorofalku waxa ay kor u qaaddaa heerkulka jidhka, waxa kale oo la mid ah busbaaska, sinjibiisha, toonta iyo basasha, sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirtu ka digaan in dadka leh jidh ama xubno ololku ay cunaan xaddi badan oo qorofal ah.

Xasaasiyadda: Qorofalku dadka qaar waxa uu ku keenaa xasaasiyad xun, calaamadaha uu qofku ku garan karo in qorofal uu cunay uu ku keenay xasaasiyad waxaa ka mid ah sanka oo hoora, calool xanuun, wejiga iyo labada gacmood oo barara, yalaalugo badan iyo indhaha oo uu nabar ku sameeyo. Waxa kale oo uu qorofalku sababaa in wareegga dhiiggu aad hoos ugu dhaco.

Xilliga uurka: Gabadha uurka leh uma fiicna isticmaalka qorofalku, waayo waxa uu keenaa foosha oo waqtigeeda ka soo degdegta, waxa aanu kordhiyaa ururka makaanka. Waa run in qorofalka loo cuno casiraadda laakiin waa marka aanu uur jirin.

Macaanka dhiigga: Cilmibaadhiso caafimaad ayaa xaqiijiyey in isticmaalka badan ee qorofalku uu si aad ah hoos ugu dhigo heerka macaanka dhiigga, taas oo sababaysa in qofku uu dawakhaad dareemo, haddii isticmaalkiisa la sii wadana khataro badan o ocaafimaad ayaa uu keenaa.

Caqabad ku noqosahda dawada: Qorofalka waxaa lagu tiriyaa nooc ka mid ah dawooyinka antibaayootigga ah, sidaa awgeed haddii ay kuu socoto isticmaalka dawo antibaayootig ah xanuunka aad doontaba u isticmaal oo, waxaa waajib ah in aanad muddadaas dawadu socoto cunin qorafalka. Waxaa laga cabsi qabaa in dawada iyo geedkan oo isna antibaayootig ahi isla falgalaan kadibna ay khatar caafimaad ka dhalato.