In Jidhku Jimicsi Helo Waqtiga Ku Habbooni Waxa Ay Kordhisaa Awoodda Xusuuseed Ee Qofka

0
585

Copenhagen (Geeska)- Tijaabooyin kala duwan oo lagu sameeyey dalka Netherlands ayaa muujinaya in jimicsiga jidhka uu maskaxda ka caawiyo xusuusta.

1

Cilmaadhayaasha sameeyey daraasadahan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya ayaa sheegay in xogta iyo cilmiga uu qofku bartay dhowaan, haddii marka uu bartay afar saac kadib uu sameeyo jimicsi ay isu beddelayso aqoon iyo xog aanu weligii illaawin oo xusuusteedu ay gasho maskaxda qaybteeda xusuusta muhiimka ah kaydisa.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in xusuustani ay sideedaba u baahan tahay maaddooyin kiimikaad oo gaar ah oo ay maskaxdu soo deyso xilliga uu qofku samaynayo jimicsiga jidhka, kuwaas oo ay ka mid yihiin labada hormoon ee Dopamine iyo Noradrenalin iyo sidoo kale curiye koritaanka ka qayb qaata oo lagu magacaabo BDNF.

Jilin Fernandez oo ah agaasimaha Maxadka Donders ee cilmibaadhisaha maskaxda, garaadka iyo hab-dhaqanka aadamaha oo ku yaalla magaalada Nijmegen ee dalka Natherlands isla markaana ahaa madaxa cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegay in maskaxda ay muddo dheer ku qaadato in si fiican u barato waxyaabaha ku cusub, laakiin marka uu qofku jimicsi sameeyo ay hormoonnada iyo maaddooyinka kiimikaad ee aynu soo sheegnay in maskaxdu soo deysaa ay sahlaan in ay si dhaqso ah oo sahlan u barato isla markaana xusuusteeda ay gasho.

Jilin Fernandez oo sii faahfaahinaya natiijada daraasaddan isku xidhay jimicsiga iyo xusuusta xooggan ayaa sheegay in inkasta oo xusuusta xooggani ay muddo dheer maskaxda ku sii jirto, haddana ay jiraan xusuuso yaryar oo caadi ahaan qofku maalin kasta illaawo, sida xusuusaha ku lammaan nolol maalmeedka oo markaba la iska illaawo, laakiin haddii ugu badnaan afar saac marka ay ka soo wareegaan xususutan ama ka yar ay maskaxdu soo deyso hormoonnada Dopamine iyo Noradrenalin ay xusuustaasi noqonayso mid maskaxda ku dhiganta oo muddo dheer aanu qofku illaawin. Hormoonnadaasina marka sida dabiiciga ah laga tago ay ku bataan kuna yimaaddaan jimicsiga jidhka.

Fernandez waxa uu ku talinayaa in qof kasta oo doonaya in uu xusuustiisa xoojiyo looga baahan yahay in uu sameeyo jimicsi xooggan si uu u hubiyo in maaddooyinkaas iyo kiimikooyinka muhiimka u ah xusuusta ay maskaxdu soo deysay. Laakiin haddana waxa uu khabiirkani ka digayaa in jimicsigaasi aad ugu bato jidhka waayo maaddooyinkan kiimikaad iyo hormoonnadan oo bata qudhooduna khataro kale ayaa ay ku keenayaan caafimaadka qofka.