Imaamka Muslimiinta Ku Jira Ciidamada Ingiiriiska Oo Ka Warramay Tiradooda, Noloshooda Diiniga Ah Iyo Shaqadiisa

0
678

dddddLondon (Geeska)- Imaam Caasim Xaafid oo ah la taliyaha arrimaha Islaamka ee wasaaradda difaaca Ingiriiska ayaa sheegay in uu ciidamada qalabka sida ee Ingiriiska ka dhex shaqaynayey muddo hadda 11 sano ah, isaga oo ku dooday in uu ciidankan ka mid ahaadaa in aanay ka hor imanayn mabaadii’diiisa iyo qiyamkiisa Islaamiga ah.

Xaafid oo Dubai joogay markii uu bixiyey waraysigan uu Geeska Afrika turjumay ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “In aan muslim ahay, iima diidayso in aan ku biiro ciidamada qalabka sida ee Ingiriiiska. In adeegga ciidanka la galaana ma diidayso mabaadii’dayda muslimnimo, balse iyada ayaaba ah wawxa igu sii dhiirrigeliyey”

Imaam Xaafid oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “In aan ciidanka ka mid ahaa Kow iyo Tobankii sano ee u dambeeyey waxa ay ii caddaysay in gelitaanka ciidamada qalabka sidaa ay iga caawisayba in aan si intii hore ka badan u difaaco qiyamka iyo akhlaaqda uu islaamku ku baaqayo, sida in laga shaqeeyo cadaaladda keenisteeda iyo in lala dagaallamo cabudhinta oo xorriyadaha la ilaaliyo, qiyamkaas ayaana ah kuwa xukuma ee lagu hago ciidamada qalabka sida”

Waraysigan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya ayaa uu Xaafid oo loo yaqaanno Imaamka Muslimiinta ee ciidamada Ingiriisku waxa uu intaas ku sii daray, “Dad badan ayaa fikir qaldan ka haysta ciidamada, iyaga oo aan ogeyn in mid ka mid ah waxyaabaha aasaasiga ah ee Islaamku dadkiisa farayo in ay tahay in ciidanka la galo, iyada oo la dhowrayo qiyamka aasaasiga u ah ciidamada qalabka sida, sida geesinimada, is-xakamaynta, ixtiraamka dadka dhexdooda, qalbi wanaagga, daacadnimada, iyo in si bilaa xakame ah loo dhowro waajibaadka islaamiga ah, arrimahaas oo dhammaantood ka mid ah qiyamka ay ku faanto bulshada Islaamiga ahi”

Ugu dambayntii Imaam Caasim Xaafid waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay, “Waxaa muhiim ah in dadku ay gartaan in ka shaqaynta ciidamada qalabka sidaa aanay ku koobnayn ka qayb gelidda dagaallada iyo hawlgallada milateriga, balse uu ciidanku leeyahay dhinacyo bani’aamnimo, tusaale ahaan ciidanka Ingiriisku door wax-ku-ool ah ayaa uu ka qaataa caawinta dadka iyo in la ilaaliyo, haddii ay tahay in laga ilaaliyo weerarrada argagaxisada iyo xitaa masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaannada”

Waxa aanu sheegay in Muslimiinta ku jirta ciidamada Ingiriisku ay hadda tiradoodu tahay 800 oo loo ogol yahay soonka bisha ramadaanka, iyo in ay fasaxyo helaan ciidaha Soonfur iyo carafe, intaas oo ay dheer tahay in cuntada la siiyaa ay tahay mid waafaqsan shareecada Islaamiga ah, iyo afurka iyo suxuurta bisha soonka.