Ilmahaaga Marka Aad Sawir Ka Qaaddo U Fiirso Ilays-Celinta Wiilkiisu Samaynayo Oo Haddii Aad Xaaladahan Ku Aragto Dhaqso La Gaadh

0
880

1 1Washington (Geeska)- Waalidiin badan ayaa aan dareensanayn in sawirka ilmaha ay ka qaadaan oo indhihiisa laga dareemo shay aan caadi ahayni ay tahay xaalad caafimaad oo wax ka qabasho dhaqso ah u baahan. Cilmibaadhis Geeska Afrika turjumay ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 48 waalidiinta sawirka ilmahooda marka ay eegaan indhaha ku arka arrin yara qariib ah ama aan ahayn ta muuqaal ahaan looga bartay indhaha ay u arkaan uu wax iska caadiya oo ilayska kamaradda iyo wax la mid ah ku yimid.

Waxa dhowaan dhacday in qoys Maraykan ahi ay wiil ay dhaleen sawirkiisa ka arkeen in indhihiisa gaar ahaan qaybta bu’da ee wiilka dhexdiisa ku sii jirtaa ay leedahay muuqaal iyo midab ka duwan ka carruurta kale, arrintaas oo waxoogaa ay la yaabeen! Ayaa haddana ay si sahal ah isugu qanciyeen, gaar ahaan ilmaha hooyadii u aragtay in ay tahay arrin kamaradda iyo sawirka la xidhiidha, laakiin wiilka yar eedadii oo iyaduna aragtay muuqaalkan aan caadiga ahayn ayaa ku adkaysatay in ilmaha dhakhtar indhaha ah loo geeyo si loo hubiyo waxa jira.

Nasiibdaro dhakhtarkii baadhitaankii uu sameeyey waxa uu ku ogaaday in ilmaha yari uu qabo xanuun khatar ah oo baahan daweyn kiimikaad. Muddo Afar bilood ah oo dawadu u socotay kadibna waxaa ilmihii indhihiisa lagu arkay, finkii ama buradii isha midig ay yaraatay, sidoo kalana burooyin isha bidixda gudaheeda ku yaallay ay yaraadeen.

Sida ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen ilmahan yar noloshiisu wawxa ay ku badbaadday sababta fariidnimada eedadii oo iyadu in dhakhtar loo geeyo sababtay, laakiin waqtigaas la keenay dhakhtarka oo qudhiisu ka dambeeyey waqtigii saxda ahaa ayaa sabab u noqday in isha midig uu waxba ka arkiwaayo.

Hab fudud oo aad ku hubin karto in xaaladdan oo kale aanay ilmahaaga haynin (Alle kuma keeno)

– Ilmahaaga sawir oo weliba marka aad sawirayso kamaradda Falashteedu ha shidnaato, kadibna eeg sawirka kuu soo baxa, haddii aad ku aragto wax ama midab aan caadi ahayn dhakhso dhakhtarka ugu gee.

Tusaale ahaan bu’da wiilka ee labada indhood midkood ayaa midabkeedu ta kale ka duwan yahay, ama labadooduba waxwa ay leeyihiin midab aan la mid ahayn ka carruurta kale, hadduu doono labada indhoodna waa ay sii kala duwan yihiin, waxaa waajib ah in aad dhaqso dhakhtar u tusto.