Ilmahaaga Ha Ku Qasbin In Uu Madhiyo Bilaydhka Cuntada Ah Ee Aad Siisay

0
872

1Berlin (Geeska)- Dhakhaatiir caafimaad oo Jarmal ah ayaa waalidiinta talo ku siiyey in aanay ilmahooda ku qasbin in uu cuno dhammaan cuntada ay siiyaan, iyada oo caddaysay in carruurta yaryar ay tahay in la siiyo fursad ay iyagu ku abuurtaan habkii ay u shaqo gelin lahaayeen una horumarin lahaayeen dareenkooda gaajada iyo dheregga oo si tartiib-tartiib ah u kora.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in ay fiican tahay in laba xilli cunto ee kasta ilmaha laga ilaaliyo in aanu cunto kale cunin ugu yaraan muddo laba ama saddex saac ah, taas oo ka caawinaysa in uu abuurmo oo si habsami ah u shaqeeyo dareenkiisa dabiiciga ah ee gaajadu, kadib marka uu u isagu u baahdo cuntada uu si fiican ucunto waqtiga xiga, oo weliba loo ogolaanayo in isagu marka uu dhergo uu iskaga kaco.

Xeeldheerayaashan caafimaad ee Jarmalka u dhashay waxa ay daraasaddan oo Geeska Afrika ka soo xigtay Aljazeera waalidka kula taliyeen in ay iyagu xaddidaan nooca cunto ee ilmaha la siinayo, waqtiyada la siinayo iyo sida loo siinayo, laakiin aanay farogelin ee ilmaha ay siiyaan in uu isagu naftiisa u xaddido xaddiga cunto ee uu cunayo. Dhaqan ahaan sida ugu anshaxa fiicanina waa in ilmaha marka hore la siiyo cunto yar, marka uu isagu yidhaahdo kama ana dherginna hadba in loogu daro, inta uu isagu dalbanayo in laga joojiyo.