Ilmaha Yar Oo In Inta Caadiga Ka Fariidnimo Badataa Waa Calaamad Muujinaysa In Uu Cimri Dheraan Doono

0
1076

London (Geeska)- Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku ogaaday in haddii ilmaha oo da’ yar laga dareemo fariidnimo inta laga filanayey ka sarraysa, ay tahay bushaaro muujinaysa in uu ka cimri dheer yahay carruurta la midka ah ee fariidnimada yar.

Cilmibaadhistan cusub ayaa muujisay in fariidnimada ilmaha oo sarraysaa ay hoos u dhigayso dhammaan sababaha la yaqaanno ee geerida ku keena qofka, kuwaas oo ay ka mid yihiin wadne xanuunka, dhiigfuranka maskaxda, kansarka noocyo ka mid ah, isku-dhex-daadashada maskaxda iyo guud ahaan xanuunnada ku dhaca hab-dhiska neefsiga oo sambabadu u horreeyaan.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa intaas ku dartay in si kasta oo qofku u maskax badan yahay abuur ahaantiisa haddana ay jiraan duruufo saamayn taban ku yeesha garaadka maskaxda, waxa aana ka mid ah qaab nololeedka qofka guud ahaan iyo si gaar ah balwadaha uu isticmaalo oo sigaarku ugu horeeyo.  Daniel Falkstad oo ah kaaliye Bare sare oo ka tirsan maxadka Karolinska ee dalka Sweden oo ah jaamacad caafimaadka lagu barto ayaa mar uu faahfaahin ka bixiyey daraasaddan waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Cilmibaadhistu waxa ay xaqiijinaysaa in heerka fariidnimo ee ilmuhu ay si weyn xidhiidh ula leedahay noocyada xanuun ee ah kuwa geerida keena ee mustaqbalka marka uu weynaado ku dhici kara.”

Cilmibaadhis kale oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda caafimaadka ka faalloota ee British Medical Journal oo ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Edinburgh baadhis ay ku sameeyeen waxa ay ka marag kaceen in uu xidhiidh weyni ka dhexeeyo heerka fariidnimo ee ilmaha iyo caafimaadkiisa mustaqbalka, gaar ahaan xanuunnada dhimashada keena, waxa ay sida oo kale isku xidheen balwadaha iyo hoos u dhaca fariidnimada qofka.