Ilmaha Xarakaadka Badan Ama Fududi Ma Ka Fariidsan Yahay Ilmaha Wahsiga Badan Ee Dhaq-Dhaqaaq Neceb?

0
957

Picture10Qaahira (Geeska)- Drs. Muna Thaabit oo bare-sare ka ah kulliyadda Caafimaadka nafsiga ah, waaxda carruurta ee jaamacadda Qaahira ayaa sheegtay in ay jirto aaminsanaan ay inta badan ee bulshooyinka dunidu ka midaysan yihiin oo ah, in rabshadda iyo xarakaadka badan ee carruurtu ay astaan u tahay fariidnimo iyo in uu ilmahaasi ka maskax badan yahay ilmaha dhiggiisa ah ee xasiloon ama aan xarakaadka badnayn, laakiin cilmi ahaan fikirkaasi uu yahay mid qaldan. Drs. Muna waxa ay sheegtay in ay jirto fariidnimo inta aynu sida dhaqsaha ah u dareenno ka fog oo lagu magacaabo fariidnimada daahsoon. Waxa aanay tusaale u soo qaadatay carruruta uu hayo xanuunka afka qalaad lagu yidhaahdo Autism oo ilmaha gooni socod xidh-xidhan ka dhiga, haddana in aanu astaan u ahayn in ilmuhu maskax ahaan hooseeyo, balse keliya uu yahay astaan muujinaysa in ilmahani u baahan yahay in loola macaamilo qaab ka duwan sida kuwa kale ee caadiga ah loola macaamilo.

Khubarada cilmi nafsigu waxa ay sheegayaan in ilmaha xarakaadka badan ama fudud sida aynu u naqaanno aanu uga fariidnimo badnayn ilmaha iska aamusan ama aadka u xasiloon, waxaana sababaha keenay in kan aan xarakaadka badnayn fariidnimo bato ku fasireen, in ilmaha xarakaadkiisu yar yihiin uu jidhkiisu kaydsado tamar badan oo uu uga faa’idaysto in ay maskaxdu hesho awood ay ku fikirto, taas oo aanu tamar la mid ah u haynin ilmaha xarakaadka badan ee isaga tamartiisu dhaq-dhaqaaqaas badan ku dhammaanayso ama ku yaraanayso.

Khubaradu waxa ay waalidka kula talinayaan in la daraaseeyo dabeecadaha ilmaha, kadibna qaabka ugu habboon loola macaamilo iyada oo niyadda lagu hayo in labada carruur ah ee wada dhashay ee xataa mararka qaarkood isku da’da xigaa haddana ay u baahan karaan hab-macaamil kala duwan. Waalidka ilmihiisa ka dareema xarakaadka oo ku yar iyo in aanu ciyaarta orodka iyo shaqada jidhku ku badan tahay jeclayn waxaa lagula talinayaa in uu ilmaha ku dhiirri geliyo waxa uu arko in uu xiisaynayo, tusaale ahaan ciyaaraha fadhiga lagu qaban karo ee maskaxdu in ay sii dhisanto caawinaya, balse aan lagu qasbin in uu ordo oo la ciyaaro carruurta kale ee xarakaadka badan. Waxaa fiican in ilmaha hooyadii ay daraasayso hibada uu leeyahay si ay u dhiirri geliso.

Talada kale ee muhiimka ahi waxa ay tahay in hooyada iyo guud ahaan labada waalidba ay iska ilaaliyaan in ilmaha xarakaadka yar ay iska dhego mariyaan ama tusaan in aanay muhiimad siinayn, waayo ilmaha noocan ahi inta badan waxa uu carruurta kale ee da’diisa ah isagu kaga duwan yahay in uu aad ugu fiirsado jawaab celinta iyo habka macaamilka kaga imanaya waalidkii iyo guud ahaanba dadka ku xeeran, haddii uu dareemo in aanay cidi danaynayna waxa ay ku noqonaysaa xanuun nafsi ah oo aan mustaqbalkiisa ka hadhin.