Ilmaha Maskaxda Badani Waxa Uu U Baahan Yahay In Uu Hab-Macaamil Gaar Ah Ka Helo Waalidka Iyo Macallinka

0
779

Picture7Qaahira (Geeska)- Haddii carruurta baahiyaha gaarka ah aad u taqaannay kuwa naafada ka ah maskaxda ee u baahan hab-macaamil gaar ah oo ka duwan carruurta caadiga ah, waa aad saxan tahay, laakiin waxa kale oo aad u baahan tahay in aad ku darsato in carruurta caafimaadkoodu taamka yahay ee weliba fariidnimadooda iyo maskaxdoodu aadka u sarraysa qudhooduna ay sidaas oo kale u baahan yihiin hab-macaamil u gaar ah. Culimada cilmi nafsiga iyo cilmiga bulshada ee sida gaar ah u daraaseeya xaaladaha carruurta ayaa xaqiijiyey in ilmaha yar ee ay maskaxdiisa iyo garashadiisu aadka u sarraysaa uu daryeel iyo macaamil gaar ah uga baahan yahay waalidkii iyo dadka ka ku xeeran, khubaradu waxa ay sheegeen in inkasta oo aanu ilmahani naafo ka ahayn maskaxda haddana uu u baahan yahay in qoyska, dugsiga iyo bulshadaba uu la nool yahayba ka helo hab-macaamilkaas gaarka ah.

Xeel-dheerayaashu waxa ay sheegeen in carruurta garaadkoodu sarreeya wax-qabadkooda iyo gudashada waajibaadkoodu uu xoogga saaro fikirka iyo maskax-miiridda balse aanu danayn dhaq-dhaqaaqa iyo xarakaadka, taas oo macnaheedu noqonayo in ilmaha maskaxda badani jecel yahay in uu fadhiisto oo fadhiga ku ciyaaro iyo in uu qabto hawlaha u baahan in fadhiga lagu xalliyo oo maskaxda laga shaqaysiiyo, si ka duwan ilmaha kale ee orodka iyo ciyaarta ficilka ah jecel, taasina ay keenayso in ilmaha maskaxda badan ay tamar badani ku baaqato jidhkiisa oo ay sii badato xoogga uu saarayo maskaxda ka shaqaysiinteeda, mararka qaarkoodna keenta in waalidku ka shakhiyo xarakaadka badan ee ilmahan ama aamuskiisa xadka ka baxsan. Sababtaa awgeed waxa ay khubaradu waalidka kula talinayaan in ilmaha maskaxda badan ay ula macaamilaan qaab u gaar ah, haddii kale ay dhici karto in maskaxda ilmuhu dib u noqoto illaa xad ay dhacdo in ilmihii maskaxda badnaa haddana uu waxbarashada ku dib dhaco. Dhinaca kalana waxaa muhiim ah in la fahmo in maskax badnaanta ilmuhu aanay qasab ka dhigayn in uu ku fiicnaado waxbarashada, balse ay muhiimaddu tahay illaa xadka uu maskaxdiisa adeegsan karo, miirina karo.

Culimadani waxa ay waalidiinta kula taliyeen in ilmo kastaa marka uu dhasho ay bartaan dabeecadihiisa iyo hab-dhaqankiisa gaarka ah iyo weliba qaabka fikirkooda iyo heerka maskaxdooda, kadibna ay markaas ka soo bilaabaan in ilma kasta ay ula macaamilaan sida ku habboon, si aanu ilmahaasi u dareemin go’doon ama in uu ka duwan yahay carruurtan kale iyo guud ahaan dadka ku xeeran. La soco…