IGAD Oo La Sheegay Inay Xilkii Soomaaliya Ka Qaadeen General Gabre

0
703

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Urur goboleedka IGAD ayaa xilkii ka qaaday General Gabre oo ah sarkaal Itoobiyaan ah oo IGAD u qaabilsanaa qaybta Soomaaliya, lamana hayo weli qofka kale ee lagu bedelay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa idaacadaha Muqdisho u sheegay in urur goboleedka IGAD shaqadii ka joojiyay General Gabre oo muddo dheer IGAD u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya. Warbaahinta Muqdisho ayaad aad shalay uga faalootay bedelaada IGAD ku samaysay sarkaalkan Itoobiyaanka ah.

Saxafi ka tirsan Idaacadda VOA Mr. Haarun Macruuf ayaa bartiisa twitterka ku qoray in General Gabre ay sahayatay tageero culus oo uu xilligii ololaha doorashada Soomaaliya socotay la garab istaagay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashada lagaga adkaaday, waxaanu weriye Macruuf sheegay in Generaalka lagu canaantay arrintaas.

General Gabre ayaa IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya sannadihii u dambeeyay, isagoo la soo shaqeeyay dawladihii Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.