IGAD Oo Ciidamo Ay Somaliyi Ku Jirto Nabad Ilaalin Ugu Diraysa Koonfurta Sudan

0
455

Hargeysa(Geeska)-Warsaxaafadeed uu soo saaray urur goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in ciidamo Somali ahi ay ka mid noqon doonaan ciidamo ka socda IGAD oo nabad ilaalin u tegi doona wadanka Koonfurta Suudaan.

IGAD, waxay sheegtay in la isku raacay in ciidamo ka socda Somaliya, Djibouti, Itoobiya, Kenya iyo Ugandha loo diro dalka Koonfura Suudaan, kuwaas oo ilaalin doona garabna siin doona dawladda Koonfurta Suudaan oo ay dagaalo ba’an ku hayaan kooxaha mucaaradka ah oo uu horkacayo madaxweyne xigeenkii hore. Ciidamadan ayaa sida ay AMISOM u caawiso dawladda Somaliya waxa ay u caawin doonaan dawladda Koonfurta Suudaan.

Arrinta ah in ciidamo Somaliya ka socdaa ay ku jiraan ciidamada nabad ilaalinta ee loo dirayo Koonfurta Suudaan ayaa noqotay mid xiiso leh. Somaliya lafteeda waxa ku sugan dhawr iyo toban kun oo askari oo ka socda qaaradda Afrika kuwaas oo dawladda tamarta daran ee ka jirta ka ilaaliya kooxda Al-Shabaab. Dadka qaarkii ayaa arrintan ku tilmaamay mid aan aragti dheer lagu falanqayn.

Dad badan oo siyaasadda gobalka ka faalooda ayaa la yaaban go’aanka uu ururka IGAD gaadhay. Waxase ka sii horeeyay sheekadan in wasiirkii arrimaha dibadda ee hore ee Somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden ay ka mid noqotay wasiirada arrimaha dibadda IGAD ee dhexdhexaadinta ka dhex waday dawladda Koonfurta Suudaan iyo kooxaha mucaaradka ah.