“Ictiraafku Wuu Iman’e Isku Duubnaadda”Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi

0
457

Hargeysa (Geeska-  Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-AWAL Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Ictiraafku iman doono, isla markaana loo baahan yahay in dadka reer Somaliland isku duubnaadaan. “Ictiraafku wuu iman’e isku duubnaadda” ayuu yidhi Suldaanku.

Intaa ka dib wuxuu Suldaanku ka waramay xaaladiisa caafimaad, ka dib markii uu safar caafimaad oo qaatay muddo ku tegay dalka Itoobiya waxaanu yidhi. “Al-XAMDULI-LAAH ILAAHAY ayaa mahad leh, waan Caafimaaday oo waanigii Caafimaad ugu maqnaa muddooyinkii ugu danbeeyey dalka Ethiopia, gaar ahaan Magaalada Adis-ababa, waan soo ladnaaday oo shalay ayaan dalka dib ugu soo noqday.- waa lay aqbalay ducadii ay shacabka reer Somaliland ee gudo iyo dibada-ba Igu soo duceeyeen inuu ILAAHAY Icaafiyo ILAAHAY ajar iyo xasanaad ha ka siiyo.”Ayuu yidhi Suldaan Xasan oo caawa u waramayay Shabakada Hayaannews.

Waxa kale oo uu Suldaanku Ilaahay uga mahad naqay raxmaadka uu shubay iyo sida ay abaartii u jabtay waxaanu yidhi “Waxaan aan Ilaahay uga mahad celinayaa inuu inoo shubay Raxmaadkiisa oo abaartii wuu naga soo jabiyay, innagu waynu is kaal-maynaynaa, waa taa la isku gurmanayo gudo iyo dibad-ba dadka reer Somaliland waan u duceynayaa meelkasta oo ay joogaan”

Suldaan Xasan waxa uu bogaadiyay  shacabka reer Somaliland gudo iyo dibad-ba 26-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii Gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May 1991-kii oo shalay oo Khamiis ah ku beegnayd, “Guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxaan ugu hambalyeynayaa munaasibadda 18-ka May oo ah maalintii lagu dhawaaqay goonni-isu-taagga Somaliland iyo lasoo noqoshada Qarannimada Somaliland ee 18-ka May, qaranimada Somaliland waxay soo martay jid dheer oo halgan leh oo nabadayn, qaran-dhis iyo horumar dhinacyo badan leh, mid dawladnimo, waxbarasho, mid kaabayaasha dhaqaalaha ah iyo bulshada oo koboc aqooneed iyo nabadeed ku tallaabsatay,….”

“Waxaan ku guubaabinayaa shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan inay isku duubnaadaan, oo ay ilaaliyaan qaranimadooda ictiraafkuna wuu imanayaa si degdega..’Ayuu yidhi Suldaan.