Hurdo Yaraantu Waxa Ay Keentaa Hilib Saayid Ah Oo Kora Tartarrada Iyo Dhinacyada

0
1075

Londont (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in qofka oo hurdo ku filan seexan waaya habeenkii ay sabab u noqoto in miisaankiisu si xad dhaaf ah u kordho.

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen xeeldheerayaal ka socda jaamacadda Leads ee dalka Ingiriiska natiijadeedana jimcihii toddobaadkan lagu faafiyey Joornaalka Plos One eek a faallooda arrimaha Sayniska ayaa tijaabooyinkii ay xeeldheerayaashu sameeyeen laga arkay in dadka seexda habeenkii celcelis ahaan 6 saac uu muddo kadib koro miisaan dheeraad ahi, gaar ahaan dhexda, marka la barbar dhigo kuwa seexda celcelis ahaan 9 saac, waxa aanay si gaar ah dhibaatadani ugu sii badan tahay dadka habeenkii hela hurdo ka yar 6 saac.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in jidhka aadamaha oo hurdada uu helayaa ku yaraataa ay keeni karto in ay ku abuurmaan xanuunnada ay ka mid yihiin macaanka, dhiigkarka iyo dufanka Kalastaroolka oo jidhka ku bata, taasina ay sii kordhiso fursadaha ah in qofkaas uu wadne xanuun ku dhaco.

Dr. Lura Hardy oo madax u ahayd kooxda cilmibaadhayaasha ahaa ee daraasaddan sameeyey ayaa tidhi, “Natiijadan aanu helnay waxa ay iftiiminaysaa muhiimadda ay leedahay in qofku uu hurdo ku filan seexdo, sida la og yahayna qofka qaangaadhka ah waxaa ku filan in uu habeenkii seexdo inta u dhexeysa 7 illaa 9 saac”

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna daahfuray in habeenkii oo qofku uu hurdo ku filan helaa ay wanaajiso caafimaadka guud ee qofka, kana ilaaliso xanuunno badan oo ay ugu horreeyaan cudurrada macaanka, buurnimada iyo xanuunka unugyada maskaxda dila ee Alzheimer ka. Waxa kale oo ay cilmibaadhisahaasi isku xidheen dhiigfuranka maskaxa, wadne xanuunka iyo hab-dhiska difaaca ee qofka oo taag-darreeya.