Hurdo Fiican Oo Uu Qofku Seexdaa Waxa Ay Caawisaa In Maskaxdu Fursad U Hesho In Ay Si Fiican Isu-Nadiifiso

0
757

London (Geeska)- Waxaa cilmi ahaan la xaqiijiyey in hurdadu ay kaalin weyn ka qaadato ka takhalusidda suntan ku samaysanta maskaxda, sidaa waxaa lagu caddeeyey maqaal lagu faafiyey degelka Care 2 ee ka faallooda arrimaha caafimaadka guud. Dhinaca kalana cilmibaadhiso ay faafisay majaladda Science ayaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah unugyada maskaxdu ay ururaan xilliga hurdada, taasina ay keento in nudaha iyo cadka maskaxda oo marka hore aad isugu cidhiidhi ah ay ka soo dhex baxdo meelo furan ama daloola, kadibna dareeraha maskaxda nadiifiya uu ka baxo.

Waxaa jira nidaam Alle (SWT) ugu talogalay in ay maskaxdu isku nadiifiso oo ah biyo ama dareere maskaxda ku bareega oo qashinka ka nadiifiya, dareerahaasi qaybaha maskaxda oo dhan ayaa uu maraa oo nadiifiyaa kadibna daloolada aynu soo sheegnay ayaa uu ka soo gororaa oo dibadda ayaa uu maskaxda uga soo wada baxaa waxa aanu fadhiistaa wareegga saree e maskaxda oo qaabkii bullaacaddii u ah. Nidaamka qashin-saar ee hab-dhiska neerfayaasha / maskaxdu isku nadiifiso waxaa afka cilmiga lagu yidhaahdaa The Glymphatic waxa aanu si fiican u shaqeeyaa xilliga uu qofku hurdo oo maydhista iyo wasakhda saaristeedu masaxda gudaheeda ka dhacaan Toban jeer oo inta qofku hurdo ah.

Dareerahan maskaxda ku wareega ee nadiifinta qabta waxaa isna afka cilmiga lagu yidhaahdaa ‘Cerebrospinal fluid’ oo loo soo gaabiyo (CSF); waa dareere marka hore maskaxdu ay soo saarto si uu ugu soo qaado maaddooyinka nafaqada iyo wax-tarka cunto leh, isla markaana uu saaro qashinka.

In dareerahaas iyo wareegga nadaafadeed ee uu samaynayaa bataa waxa ay maskaxda u soo jiiddaa curiyeyaal nafaqo oo ay u baahan tahay, waxa aanu maskaxda ka nadiifiyaa in badan oo ka mid ah maaddooyinka aan fiicnayn. Haddaba si aad faa’idadaas caafimaad u hesho waxaa keliya kuu furan in aad hurdo kugu filan seexato si maskaxdu ay waqti ugu hesho gudashada waajibaadkeedan shaqo ee xilliga hurdada dhaca. Waxa aana muhiim ah in aynu ogaanno in maskaxda oo nadaafaddan heli weyda, oo ay ku ururaan barootiinno burburay in ay ka mid tahay waxyaabaha sababa cudurrada unugyada maskaxda dila ee ay ka mid yihiin Alzheimer ka iyo Parkinson.