Hurdo Fiican Oo Habeenkii La Seexdaa Waxa Ay Jidhka Siisaa Awood Inta Aad Hurudo Uu Ku Dilo Kansarka

0
75

Qaahira (Geeska)- Marka aynu seexanno jidhku ma joojiyo shaqada muhiimka u ah nolosha iyo caafimaadka qofka, tusaale ahaan neefsiga, wareegga dhiigga iyo shaqada dheefshiidku. Haddii shaqooyinka aynu xusnay ay yihiin kuwo maalintiina socda habeenkiina aan hurdada la joogsan, waxaa iyagu jira shaqooyin uu jidhku xilliga hurdada oo keliya samayn karo.

Dr. Majdi BAdraan oo xubin ka ah jimciyadda xasaasiyadda iyo xanuunnada dheefshiidka ku dhaca ayaa mar uu u warramay shabakadda Al-Carabiya oo Geeska Afrika soo xigtay waxa uu sheegay in Hormoonka Meltaonin oo ka masuul ah nidaaminta hurdada, kaalin muhiim ahna ka qaata dareenka qofku u leeyahay waqtiga, tusaale ahaan in qofku dhugmo u yeesho 24 ka saac, oo uu garto xilliga ay aroor tahay iyo xilliga ay habeen tahay ee ay tahay in uu seexdo.

Hormoonnada kale ee dhinaca jinsiga la xidhiidha sida Testosterone iyo guud ahaan hormoonnada bacarimintu ay shaqeeyaan oo keliya saacadaha hurdada.

Dr. Badraan waxa uu shegay in hurdadu marxaladda ay ku bilaataa ay tahay in 40 shaqada maskaxda qaybteeda dahaadhka oogada ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Cerebral cortex’ ay boqolkiiba 40 hoos u dhacdo waana markaas marka uu jidhku dareemo in uu hurdo u baahan yahay, maskaxduna dhammaan qaybaha kala duwan ee jidhka u dirto ishaarada sheegaysa in hurdo ay u isu diyaariyaan. Marxaladda labaad ee hurdadu waxa ay maskaxdu soo deysaa mawjado ishaarooyin korontaysan ah, waxa aana bilowda in mashaxdu si yar u shaqayso, taas oo jidhka gelisa xasilooni. Kadib mawjadahaas ayaa si tartiib ah marba mark aka dambaysa u sii dheeraada illaa uu qofku hurdo dheer gelayo.

Dr. Badraan waxa uu sheegay in xilliga hurdada ay korodhaan waxyaabaha jidhka ka caawiya in uu cudurrada la dagaalamo. Waxa ay maskaxdu soo deysaa maaddo disha Kansarka awood weyna u leh in ay furfurto burooyinka laga yaabo in ay kansar noqon lahaayeen, waxaa isaguna kor u kaca awoodda wareegga dhiigga oo burburiya nammaan unugyada laga yaabo in ay fallaagoobi lahaayeen oo ay isu beddeli lahaayeen unugyo kansar.

Xilliga hurdada waxaa firfircoonaada habdhiska difaaca waxa aanu soo saaraa maaddooyin burburin kara mariidka / suntan, sidaa awgeed in qofku hurdo fiican helaa waxa ay yaraysaa madax xanuunka, gaar ahaan dhanjafka, waxa ay dib u habaysaa habka isgaadhsiineed ee neerfayaashu ishaarooyinka iyo amarrada ugu kala qaadaan unugyada neerfeed. Waxa kale oo ay hurdadu saamayn ku yeelataa fariidnimada qofka, fikirkiisa, halabuurkiisa, dabeecaddiisa, awoodda fahamkiisa iyo sida uu xogta u xafidsanaan karo.

Dhibaatooyinka hurdo yaraanta

Dr. Majdi Badraan waxa uu sheegay in hudo yaraanta habeenkii ay sababto nabarro caloosha, iyo jidhka oo ay ku yaraadaan barootiinnada jidhka ilaaliya ee masuulka ka ah dibuwanaajinta wixii cillad ama burbur ku yimaadda nudaha caloosha, midhiciro yarada.

Xilliga hurdada waxaa kora unugyada maqaarka, isla markaana dib isu cusboonaysiiyo, waxa aana data unugyada maqaarka ee ku dhinta ilayska qorraxda, waxa sidoo kale dabca muruyqada qoorta, oo ka nasta sidistii madaxa, waxaa yaraada dhareerka, waana sababtii aynu u toosna afka oo ingagan, sida oo kale waxaa 10 illaa 30 hoos u dhaca garaaca wadnaha, taas oo ka dhalata hoos u dhaca dhiigga wareeggiisa ku imanaya.

Ugu dambayntiina waxa uu digtoorku ka digay hurdo yaraanta habeenkii oo uu xaqiijiyey in ay keenta dhibaato jidheed iyo mid nafsiya labadaba, sida qulubka, diiqadda, warwar aan ujeeddadiisu caddayn, daal, dhiigga oo kaca, baahsanaan maskaxda ah, fiirada iyo feejignida oo yaraata, xusuusta oo daciifta, macaanka dhiigga oo kor u kaca.