Hurdada Qadada Kadib La Seexiyo Carruurtu Waxa Ay Kobcisaa Awooddooda Dhinaca Luuqadda

0
756

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in hurdada carruurta yaryar la seexiyo saacad badhkeed oo duhurka kadib ah, in ay ka caawiso barashada xirfado cusub, gaar ahaan dhinaca luuqadda oo ay kobciso xirfadda ay u leeyihiin hadalkeeda iyo doorashada ereyadeeda.

Cilmibaadhayaal ka tirsan qaybta cilminafsiga ee jaamacadda Arizona ee dalka Maraykanka ayaa baadhis ku sameeyey xidhiidhka ka dhexeyn kara hurdada duhurka kadib iyo koboca xirfadda isticmaalka luuqadda ee ilmaha, gaar ahaan marka uu ku jiro da’da aanu weli dugsiga gelin, iyaga oo si gaar ah baadhistoodan ugu eegay carruur da’doodu celcelis ahaan tahay saddex sano,  waxa aana u soo baxday in carruurta seexda maalintii saacad ama saacad badhkeed ay ka faham badan yihiin, ka xog kaydin badan yihiin kana isticmaali og yihiin afka iyo xirfadihiisa carruurta da’dooda ah ee aan iyagu seexan duhurkii.

Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey Joornaalka Child Development ayaa sidoo kale iftiimisay in ilmaha naas-nuugga ahi illaa uu lix bilood gaadhayo uu u baahan yahay in uu ugu yaraan lix jeer maalintii yara seexdo, laakiin baahidaasi ay si tar-tartiib ah u soo yaraanayso mar kasta oo uu sii weynaado, illaa aakhirka ay gaadho in aanu maalintii hurdo u baahan ba.

Cilmibaadhayaashu waxa ay hooyooyinka iyo aabayaasha kula taliyeen in ay ilmaha lix bilood ka yar kula dadaalaan in ay maalintii seexiyaan, kuna dadaalaan in hurdada ilmuhu maalintii helayaa ay noqoto ugu yaraan 10 illaa 12 saac ka hor inta aanay gaadhin da’da  dugsiga.