Hurdada Ka Hor Oo Duruusta La Akhriyaa Waa Furaha Barashada Afafka Shisheeye Iyo Guud Ahaan Cilmiga

0
589

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo ku xidhan tii ka hadlaysay isla hababka waxbarashada fududeeya ee ku soo baxday cadadkii shalay ee boggan Googooska Geeska waxa aynu ku egeynaa sida uu wax-akhriska hurdada ka horreeyaa qofka uga caawiyo waxbarashada guud ahaanteed iyo si gaar ah barashada afafka shisheeyaha.

Waqtiga lagu beegayo barashada ama dib u dheegashada duruustu waxa uu ka mid yahay arrimaha ugu muhiimsan ee caawiya barashada afafka. Daraasad cilmiya ayaa daahfurtay in waqtiga ugu fiican ee uu qofku akhris iyo dib u-eegis ku samayn karo duruustiisu ay tahay hurdada ka hor, waxa aana cilmi ahaan la ogaaday in hurdadu ay xoojiso awoodda waxbarashada, maadaama oo hurdadu ay sababto in wixii ku jiray xusuusta dhow uu u guuro qaybta xusuusta fog. Haddii ay qaybtaas xusuusta fog u guurtana waxa ay noqonaysaa mid ammaan ah oo ay fududahay in qofku uu muddo dheer xusuusteeda hayo, haddii weliba uu akhriska iyo daraasaynta macluumaadkaas si joogto ah muddo kala durugsan ugu celceliyo, waxaa sii fududaanaya xidhiidhka wada shaqayneed ee ay xusuusta dhow iyo xusuusta fogi ka yeelanayaan macluumaadkan, waana markaas marka ay imanayso in qofku uu macluumaadkaas si hawl yar oo dhaqso ah u xasuusto. Cilmibaadhis uu Geeska Afrika natiijadeeda akhriyey oo ay jaamacadda California ee dalka Maraykanku samaysay ayaa dadkii tijaabada lagu samaynayey waxaa loo qaybiyey kuwo duruusta akhriskeeda kadib seexday hurdo ugu yaraan 90 daqiiqo ah iyo kuwo aan seexan, waxa aana soo baxday in kooxdii aan seexani ay ku xumaatay xusuusashada iyo faahfaahinta fahamka duruustii ay akhriyeen hurdada ka hor, halka kooxdii seexatay ay noqdeen kuwo boqolkiiba 40 kuwi aan seexan kaga fiican duruusta xusuusashadeedii iyo fahamkeedaba.

Dhinaca kalana daraasad lagu sameeyey dalka Switzerland ayaa muujisay in qofka oo marka uu habeenkii sii seexanayo agtiisa dhiga cod ah duruusta uu doonayo in uu dib u xasuusto gaar ahaan luuqadda oo isaga oo ay agtiisa weli ka baxayso gam’a in hurdada kadib ay xusuustiisu si aad u fiican u xasuusan karto una fahmi karto duruustii uu dhegeysto, oo weliba uu kaga fiicnaanayo qofka ay wada dhigteen ee aan isagu sidan yeelin.