Hubkii Lagu Weeraray Dhismaha Nayrobi Oo La Ogaaday Inay Lahayd Dawladda Soomaaliya

0
1121

Hargeysa(Geeska/Daily Nation)-Qaar ka mid ah qoryihii ay adeegsadeen kooxdii toddobaadkii hore weerartay hoteelka Nayrobi ee Dusit Hotel, ayaa la ogaaday inay lahaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa cadadkiisii shalay wuxuu qoray in saddex ka mid ah qoryihii ay adeegsanayeen shantii nin ee dhismaha Nayrobi weeraray ay ahaayeen qoryo ay dhawaan soo iibsatay dawladda Soomaaliyia, “Daily Nation, wuxuu ogaaday in saddex ka mid ah shanti qori ee loo adeegsaday weerarkii toddobaadkii hore ay ahaayeen kuwo ay soo iibsatay dawladda federaalka ee Soomaaliya.” Ayuu yidhi wargeysku, waxaanu intaas raaciyay in baadhis hor dhac oo la sameeyay ay muujinayso in, inkastoo la masaxay tirada numberka ee qoriga haddana ay la mid yihiin qoryahaasi kuwa ay isticmaalaan ciidamada Soomaaliya.

Wargeysku wuxuu intaas raaciyay inaan weli la garanayn cidda lahayd labada qori ee kale, “Dawlad kastaa waxay leedahay calaamad u gaar ah oo lagu dhejiyo hubkeeda, qoryaha laga helay dhismaha uu weerarku ka dhacayna waxa ka muuqatay calaamada “SO” oo ay isticmaalaan ciidamada Soomaaliya ee SNA.”

Dhawr jeer oo kala duwan ayay Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ka digeen in hubka la siiyo ama ay soo iibsato dawladda Soomaaliya ay ugu dambayn u gacan galaan kooxaha hubaysan ee Soomaaliya ka jira, waxaanay golaha ammaanku dabayaaqadii sanandkii hore dawladda Soomaaliya ka diideen in laga khafiifiyo cunaqabataynt hubka ee saaran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here