Horumarka Caafimaadka: Dhakhaatiir Ku Guulaystay In Ay Gabadh Dib Ugu Rakibaan Labada Gacmood Oo Ka Go’ay

0
1192
Baariis (Geeska)- Koox dhakhaatiir qalniin ah ayaa ku guulaystay in gabadh ay labada gacmood shil tareen kaga go’een dib ugu celiyaan labadii gacmood. Qaliniinkan oo dunida ku dhif ah, dalka Faransiiskana ay markii ugu horreysay tahay ayaa la sheegay in ay dhakhaatiirtu galeen isla markii ay labada gacmood gabadha ka go’een.

Sida ay ku warrantay  shabakadda wararka ee Aljazeera qalniinkani waxa uu socday muddo Afar saacadood ah, dhakhaatiirta samaysayna ay ka tirsanaayeen cisbitaalka CHU Grenoble Alpes oo ku yaalla koonfurta bari ee dalka Faransiiska.

Gabadhan oo 30 jir ah ayaa badhtamihii bishii Siddeedaad labada gacmood oo illaa suxulka dushiisa (Cududda) ahi ka go’een markii ay ku dhex dhacday tareenka iyo saqafka sare ee dhisme ku dahaadhan dhabbaha rugta tareenku istaagayey. Laakiin nasiib wanaag waa goobta isla markiiba soo gaadhay dhakhaatiir lagu ammaanay khibrad iyo garaad badnaan, kadib markii ay labadii gacmeed ee go’ay si dhaqso ah ugu duubeen qalab nadaafaddooda ilaaliya iyo baraf si aad u dhaqso badanna ay gabadha iyo labada gacmoodba u gaadhsiiyeen cisbitaalka si dib loogu celiyo.

Hal saac iyo Konton daqiiqo markii ay shilka ka soo wareegeen go’itaankii gacmaha koox dhakhaatiir qalniin ah oo 10 tiradoodu tahay ayaa galay qalniinkan ay gabadhan dib ugu rakibayeen labadeeda gacmood.

Warmurtiyeed laga soo saaray cisbitaalkana waxaa lagu sheegay in degdegsiinyaha ay gacan fududaanta kooxaha gurmadku muujiyeen iyo weliba sida xirfadda caafimaad iyo aqoontu ka muuqato ee ay u dhaqmeen ayaa sabab u ah in gabadhan labada gacmood dib ugu shaqeeyaan. Laakiin Michael Bouyer oo ah dhakhtar qalniin oo ka tirsan cisbitaalka qalniinka sameeyey ayaa sheegay in ay ku adkaatay in ay dib isugu xidhaan qaar ka mid ah muruqyada go’ay, taasina ay sabab u noqonayso in aanay gacmuhu sidii ay marka hore ahaan jirtay u wada shaqayn karin.

Markii dunida ugu horreysay ee qof dib loogu dhejiyo gacmo ka go’ay waxa ay ahayd dalka Jarmalka sannadkii 2008, marar waqtigaas ka dambeeyeyna qalniinnadan oo kale ayaa laga sameeyey dalalka Shiinaha iyo Hindiya.