“Hore Umaan Arag Madaxweyne Calankiisii Ka Guddooma Marti Oo Aniga iyo Dad Kalena Way Nala Fool Xumayd”

0
697

Picture3Hargeysa (Geeska) Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabkii ay Madax-dhaqameedka Ka Yimid Magaaladda Muqdisho ee Somaliya u guddoon siiyeen Madaxweynaha Somaliland Calanka dalkan astaanta u ahaa 23-kii sanno ee la soo dhaafay, waxa uu sheegay in ay ula muuqatay arrin aad u fool xun isla markaana aanu hore dunida ugu arag in dad marti ahi ay calan guddoonsiiyeen madaxweyne dal hogaaminaya.

Xidhibaan Jaamac Riyo sidaas waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyey Hadhwanaagnews, waxaanu yidhi “Aniga oo gudida qabanqaabada xuska 18ka may ku amaanaya qaabkii ay u soo bandhigeen xuska 18ka may, waxa aan jecelahay in aan ka hadlo guul darro munaasibada xuska 18ka May habeenimadii ii muuqatay, Guul-darradaas oo ahayd markii Oday dhaqameed ka yimid Caabud Waaq uu ka sheegay xaflada 18ka May in uu ina aqoonsaday, waxaana la arkayay Madaxweynaha Somaliland oo istaagay. Ta kale ee la yaabka nagu noqotay waxa ay ahayd markii uu Ninkaas sheeganaya Madax-dhaqameedka ayaa yidhi waxa aan idin siinayaa Hadiyad, Hadiyadaas oo uu u sare kacay Madaxweynuhu waxa ay noqotay Calankiisii”. Xildhibaan jaamac Riyo oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anigu weli hore umaan arag Madaxweyne calankisii la guddoonsiiyay, Madaxweyne dalkiisii la joogo in dad marti ahi ay guddoonsiiyaan aad iyo aad bay aniga iila fool xun tahay”