Hooyo Wiilkeeda Xambaarsanayd 28 Sano Oo Ah Illaa Markii Uu Jaamacadda Dhammaystay

39
3407

Axmed waa 28 jir, ku dhashay nabar xangulaha ah oo awgii uu u noqday naafo aanu qaarka dambe oo dhami shaqaynayn. In kasta oo dhakhtarro badna la tusay xaalkiisa, in ka badan 20 qalniinna uu galay, haddana waxba iskama ay beddelin xaalkiisa. Axmed maalintiisu waxa ay ku bilaabataa salaadda subax oo ay hooyadii u toosiso, inta ay qaaddo ayaa ay geysaa suuliga si uu ugu soo diyaar garoobo salaadda, kaddib waxa uu tukiyaa salaadda subaxda.

Salaadda kaddib, nolosha maalinlaha ah ee Axmed waxa ay ku bilaabataa kuna dhammaataa hooyadii oo dhabarkeeda ku sidda. Iyada ayaa subaxdii sii xambaarta oo dugsigii hoose iyo illaa uu heer jaamacadeed dhammaysanayey dhabarkeeda ku geyn jirtay.

Axmed waa uu ka qiiraysan yahay, aadna uga naxsanyahay culayska uu hooyadii ku hayo sannadahaa badan ee uu noolaa. Isaga oo ilmaynaya ayaanu saxafi ka socda talefishanka Alcarabiya uga sheekeeyey dareenkiisa iyo sida uu uga naxo marka uu hooyadii dhabarka u fuulayo iyo marka iyada oo daallan ay dejinayso. Dabcan isaga oo og in gu’ kasta oo isaga u kordhaa, uu iyadana da’ iyo taagdarro u kordhinayo, xammilkii ay culayska u lahaydna sii yaraanayo.

Waxa uu jecelyahay oo ku ducaystaa, in Alle ku simo, isaga oo mar uun ka degey dhabarka hooyadii, oo nool, cilmiga uu bartayna uu sida qayrkii ugu shaqaysanayo.

Laakiin, Axmed kalsooni ayaa uu isku qabaa, culayskaas iyo naafonimadaas haysana waa uu u arkaa in ay tahay imtixaan Alle, waxa aanu ku rajo weynyahay in uu ka gudbi doono. Isaga oo arrimahan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xaaladdayda aan ku jiro waa qaddarka Alle, raalli ayaana aan ku ahay. Waxa aan ka soo qaadaaba in ay tahay nimco Alle i siiyey, Alle ayaa ku mahadleh. Nimcadaha kale ee noloshaydu waa hooyaday” Axmed isaga oo ilmada ceshanaya ayaa uu hooyadii jalleecayaa oo uu ka codsanayaa in ay ka saamaxdo dhibta uu u arko in uu ku keenay.

Hooyadan hal-adayga iyo geesinimada badan waxa ay ku guulaysatay in ay wiilkeeda keliya ee naafada ah, u rumayso waxa ay awooddo ee qayrkii haysto, oo ay waxbarashadu ugu horreyso. Laba sano ka hor ayaa uu ka qalinjebiyey jaamacadda oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee cilmiga ganacsiga. Isaga oo warfidiyeenka u sheegaya shaqada uu qaban lahaa haddii uu helana waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay, “Shaqo kasta oo xaaladdayda [Naafonimada] ku munaasab ah diyaar ayaa aan u ahay”

Axmed hooyadii iyada uma xisaabsana dhibta ay dhibtii dabiiciga ahayd ee hooyonimo kaddib, muddada dheer ilmaheeda ugu soo samirtay. Waxa keliya ee u daran, ee ay sheegtay in ay habeen iyo dharaar ka warwartaa waa, ‘In dhimashadeeda kaddib, aanu wiilkeedu silic arag’. Sababta warwarka ugu weyn ku haysa ayaa ah in wiilkeeda Axmed aanu haba yaraato ee waxba qabsan karin, oo uu yahay ruux u baahan cid uu boqolkiiba boqol noloshiisa ugu tiirsanaado. Laakiin Axmed isagu ma’ niyad xuma, waxa aanu Alle ka filanayaa in ‘ayaamaha u dambeeyaa ay noqon doonaan kuwo u sida bishaaro iyo badhaadhe nololeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here