Hooyo Ilmaheedii Ku Iibisay 220 Doolar Si Ay Ugu Biiliso Ubadkeeda Kale Iyo Sababta Ku Kalliftay

0
957

Picture9Delhi (Geeska)- Hooyo u dhalatay dalka Hindiya oo faqiir ah ayaa 220 doolar ku iibisay ilmaheeda, si ay u hesho waxoogaa lacag ah oo ay maalmo ku sii dabbarto nolosha saddexdeeda hablood ee kale. Haweenaydan 32 jirka ah oo magaceedu yahay Qawaari Shaah waxa ay imika saddexdii carruur ahaa ee u soo hadhay ku korisaa mid ka mid ah degmooyinka ugu faqiirsan gobolka Bangla ee dhaca dhinaca woqooyi ee dalka Hindiya, muddo hadda laga joogo Siddeed bilood ka hor ayaanu saygeedii ka tegey iyada oo markaas ilmihii afaraad caloosha ku sidda, dibna cidi uma’ ay arkin. Qawaari waxa ay ilmaha dhashay 25kii bishii Shanaad 2014ka, hal toddobaad kadibna waa ay iibisay iyada oo ku andacoonaysa in aanay dhaqaale ahaan awoodin in ay koriso ilmahan. Markiiba warkii ayaa ku baahay degmada, taas oo keentay in ay dowladdu si dhaqso ah u soo farogeliso si ay ilmaha u badbaadiso. Masuuliyiinta dowladda ayaa ilmahan ka soo celiyey lammaanaha iibsaday, laakiin gabadhii dhashay ayaa diidday in lagu soo celiyo maadaama oo ay iibisay lacagtiina isticmaashay.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mirror oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in dakhliga keliya ee soo gala gabadhani uu yahay wax yar oo ay ka hesho hooyadeed oo 70 ah oo maalin kasta saacado soo dawarsata shaaracyada. Hooyadan oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in aanay qoomamaynayn iibinta ilmaheeda, waxa aanay ku doodday in uu iibkaasi ahaa xalka ugu fiican ilmaha iyo saddexda carruur ah ee uu la dhashayba. “Xataa waxa aan amaah ku soo waayey 100 Rupee (Lacagta Hindiya, waxa ay u dhigantaa 1.7 Doolar) oo aan siiyo gabadha iga umulisay, saddexda hore wax aan siiyana uma hayo, markaa maxaan ilmahan yar ku korin karaa” ayaa ay tidhi hooyadan ilmaheeda iibisay. Waxa aanay sheegtay in markii ay umushay ee cisbitaalka ay ka soo baxday ay la soo xidhiidheen lammaanahan aan ubadka dhalin oo ka dalbaday in ilmaha yar ay kaga iibiso 13 Kun oo rupee oo u dhiganta 220 doolar, “Waxa uu ahaa qoys aan hubo oo aan ogahay in ilmahaygu uu ka heli doono nolol fiican”

Hooyadan ayaa ay dowladdu u qabatay 60 maalmood in ay go’aan ku soo gaadho, haddii ay rabto in ilmaheeda loo soo celiyo, haddii ay waqtigaas jawaab ku keeni weydana, ilmahan yar waxaa kafaala qaadi doona laba ruux oo ay dowladdu ugu wareejisay hab waafaqsan sharciga kafaalashada carruurtta ee dalka.